Jab xooggan oo Al-Shabaab loogu geystay Duqeymihii Gobolka Mudug

698

Duqeymahaan ayaa ka dhacay deegaanno ka tirsan Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa waxaa lala beegsaday xeryo ay halkaas ku leeyihiin Maleeshiyaadka Al Shabaab waxaana ka dhashay qasaare isugu jira naf iyo maal.

dadka deegaanka oo aan la xariirnay ayaa inoo sheegay inay maqlayeen saddxedii maalin ee la soo dhaafay jugta madaafiicda lala beegsaday Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarada Al-shabaab lagu qaaday maalmihii la soo dhaafay ayaa sheegtay in weeraradaas oo ay iska kaashadeen Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka lagu dilay ku dhowaad 100 ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare sidoo kalana lagu burburiyay gaadiid nuuca dagaalka ah iyo saanado kale.

Duqeymaha ugu badan ayaa waxay ka dhaceen deegaanno ku dhow Camaara iyo Caad waxaana wararka halkaas aan ka haleyno ay sheegayaan in Al-shabaab ay billaabeen in ay xirxiraan qaar ka mid ah dadka deegaannadaas ku nool.

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika ee loosoo gaabsho Afrikom ayaa sheegay in weeradaas lagu dilay maleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-shabaab ujeedada laga leeyahana ay tahay in lagu wiiqo awoodda kooxdaas Argagixisada ah.

Taliska Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in weerarada qaarkood lala bartilmaansaday xerooyin lagu diyaarinayay maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada kuwaas oo isku diyaarinayay inay qaadaan weeraro.

Mareykanka waxaa sidoo kale uu sheegay inaysan jirin cid shacab ah oo waxyeello kasoo gaadhay weeraraad, dhinaca kalana ay sii wadi doonaan howlgalka dhanka Al-shabaab iyo kooxda kale ee argagixisada ah ee Daacish

Al-shabaab ayaa billaabay in ay isaga cararaan deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Mudug iyagoo cabsi weyn ka qaba duqeeymo kale in loo geeysto, waxaana intaas sii dheer inuu jiro kala shaki dhexdooda ah taas oo soo dadajineysa dagaal dhexdooda ka qarxa sida mararhoreba dhacday.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here