Jeneral Muungaab oo hambalyo u diray Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed

0
1070

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaaladda Muqdisho Jeneral Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa hambalyo u diray ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed taas ku aadan 12 Apirl oo ku beegan sanadguuradii 55 aad ee kasoo wareegtay markii dhidibada loo taagay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Qaban qaabada munaasabad balaaran oo loogu dabaal-degayo Xuska Aas Aaska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku asteysan 12-ka April ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, iyadoo aad loo adkeeyay ammanka magaalada Muqdisho. 12-ka April sanadkii 1960 ayay aheyd markii la aas aasay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana xuska 55 aad ee sanadguurada ee ciidanka xoogga ka qeyb galay Madaxda ugu sareysa dalka, Diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here