John Kerry : waa taageeraynaa doorashada Soomaaliya

0
1123

Wasaarada arimaha dibada dowladda Mareykanka ayaa markale sheegtay in ay taageereyso doorashada sanadkan la filayo in ay dalka ka dhacdo.

War ka soo baxay xafiiska xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry, ayaa waxa uu lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay ka qeyb qaadaneyso doorashada 2016-ka Soomaaliya ka dhaceysa.

Xoghaye Kerry ayaa intaas ku daray in dowladda Mareykanka ay ka taageereyso Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto sidii loo dhisi lahaa dimuqraadiyad fadhida.

Warka Xoghayaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanku uu ku rajo weyn yahay in doorashada sanadkan ay noqoto mid dhabbaha u xaarta dimuqraddiyadda, ammaanka iyo in barwaaqo la gaaro.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here