Jowhar waa magaalo ceynkee ah? Qormo Xiiso leh.

0
4752

Waxaa Qoray Maxamed Ibraahim Macalimuu

 

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe  waxaa lagu wadaa in dhawaan uu ka furmo shirka maamul u sameynta gobollada Sh/dhexe iyo Hiiraan sida ay shaaciyeen madaxda dowladda Federaalka.  Waxaa magaalada booqday Wasiirka Arimaha Gudaha iyo wafdi uu hogaaminayo waxana la filayaa in dhawaan Jowhar ay tagaan Madaxda sare ee Dowladda Federaalka,.Hadaba qormadan hoose  waxaan ku faaqidayaa taariikhda magaalada Jowhar.

 

Jowhar waa magaalo ceynkee ah?

Jowhar waxa ay Muqdisho u jirtaa 90 Km dhanka Waqooyi .Waxaa magaalada dhex marta wadada isku xirta caasimadda Soomaaliya iyo gobollada dhexe ee dalka ,waxa sidoo kale magaalada labo u kala qeybiya wabiga Shabeelle bari iyo galbeed. Dhanka bari waxaa la oran jiray Buundo Bravo halka qeybta berri ee qadiimiga ahna lagu magacaabi jiray Bender Jadiid ama Benderka Hoose.

Jowhar sida isku raacsan yihiin inta badan odoyaashii hore waxa magaca ay ka heshay tuulada Jowhar Eylo oo kacaankii uu u badalay Jowhar Soomaali.

Dadka ku dhaqan Jowhar badankood  waa beeraley ama xoolo dhaqato .  Jowhar waxa ay ka kooban tahay 4 xaafadood H/wadaag ,Horseed,Kulmis iyo Buulo Shiikh.

Imaanshihii Talyaaniga ee Jowhar.

Marka ay taarikhdu u eheed 1917 waxa soomaliya yimid nin talyaani ah oo la oran jiray Amadao Luigi Duca Degli Abbrizzi oo kamid ahaa khoyska boqortooyada dalka talyaniga.

Ujeedoda ugu weyn oo u yimid somaliya waxey eheeyd inow helo dhuul uu beerto.

Dhowr degaan ayuu tagay oo wabiga shabeele ku dhiriirsan si uu eego deegaan ku haboob tacabka iyo wax soosaarka.

Baaris dheer kadib waxaa usoo baxday in degaanka jowhar ee ugu haboon tahay beerashada dalag yada kala duwan, taaso ay ugu wacan tahay wabiga oo ka sareeya dhuul beereedka loona bahneyn  matooro waraabka loo adeegsado Waxa uu  heshiis la galay dadka deeganka ee tuuloyinka jowhar Soomaali iyo Baalguri.

Heshiiskaas wuxa uu Duca ku helay dhul beereed baaxad leh oo ku teedsan wabiga Shabelle .

Duca  waxa uu dib ugu laabtay talyaaniga si maalgalin ugu helo dhul beereedkii loogu yaboohay . Xilligaa Koofurta Soomaaliya waxaa maamulayay gumeystihii Talyaaniga .

.

Marki uu tagay Italiya waxuu asaasay shirkad magaceeda la yiraahdo S.A.I.S (societa Agricola Italo Somalo) oo ay milkiilayaashu yihiin 61 saamiley  oo Duca oo uu ahaa Gudoomiye.

Lacagti  uu ka soo qaaday saamileydii Talyaaniga ayaa waxa uu ku sooo iibiyay qalabka beeraha  .Waxa uu la yimid  shaqaale cadaan ah,waxana uu 1919kii dib ugu soo laabtay Jowhar.

Dalagyadii ugu horeysay ee uu beeray waxaa ka mid ahaa Suuf ,Qasab iyo lows. Waxaa u soo baxday sidoo kale Jowhar in ay si wanaagsan ugu bixi karto liinta noocyadeeda kala duwan sida Banbeelmada, Aranjo iyo Mandarino ,waxana xusuus mudan in Bambeelmadii Jowhar ka baxday ay noqotay tan ugu wanaagsan suuqii Talyaaniga ee waagaas qudaarta lagu iibin jiray Fiera di Milano

Waxow bilaabay si tijaabo ahaan inoow beero khaqsab kala duwan si’u uga xusho midka ciilada ugu adkeysiga badan, biyo badan aan u bahneen, mizaan kiisuna culis yahay.

Markii ay guuleysatay tijaabadii beerista qasabka  ayuu ku fekeray in uu dhiso warshad sonkorta soo saarta.

Warshadii sonkorta waxey howl gashay ay soo sartay sonkorta ugu horeysay 1926.

Marka at taarikhdu eheed 1933 Duca waa uu  xanuunsaday waxa uuna  ku geeriyooday magaagada jowhar waxaana lagu aasay iisla magaalada jowhar qabuuro ayku lahayeen talyaniga .

Shirkada S.A.I.S waxaa majaraha u qabtay oo gudoomiye ka noqday niin  kale oo talyaani ah oo la oran jiray AVV. Bruno.

Maka ay taariikhdu eheed 1963 sadax sano kadib markii soomaaliya ay xornimada qaadatay ayaa shrkadi S.A.I.S iyo dowlada soomaaliya hashiis wada galeen ooay shirka ku noqdeen  warshada iyo beeraha.

Samiga dowlada waxaa uu ahaa 51% mida shirkada talyaniga 49% labada dhamba waxaa lagu wada heshiiyay in la balaariyo mugga iyo  wax soo saarka warshada lana garsiiyo 4000 tan oo sonkor ah sanadki.

Magacii S.A.I.S halkaas ayoow ku haray. Shirkada cusubna waxaa loo baxshay Snai.

Soo saida sonkorta ka sukow warshada waxey soo sari jirtay Alkolo oo laboa nooc ah Buon gusto oo logu tala galay in laga sameeyo khamriga, dawooyinka, barfunka,

Nooca labaad  ee alkaholka waxa uu haa Cattivo gusto oo loogu tala galay dhayida iyo khaliinka.labadaas nooc ee alkaholka ah waxaa laga sameyn jiray dheecanka sonkorta ka hra (Malaso)  oo dib loo warshadeeyay lagana soo asaro alkaholka.

Alkaholkan waxaa ugu yaraan 90% loo dhoofin jiray dalka fransiiska oo laga iibin jiray inta kala ee so harta wadaanka guda hiisa ayaa lagu istic maali jiray.

Marka ay taarikhdu eheed 1971 waxaa la qarameeyay warshadaha, bankiyada iyo waxii la mid ah.

Warshada sonkorta ee jowhar waxey ka mid eheyd warshadahii la qarameeyay marka ay taarikhdu aheyd  1972 waxaa la aasasay warshada Isnaay Biyaasa oo eheyd warshad soo sarta alaabo kala duwan sida Oomada ,Kabo caag ah ,Kabaha roobka, jiirigaano, Garaafoyin, Barfuuno iyo Catarro kala duwan oo sameyntoda loo isticmaali jiray alkoholka warshada sonkorta..

Shaqaalaha guud ee joogtada ahaa ee isnaay iyo isnaay biyaaso waxey ahayeen 1800kuf.

Shaqaalaha an joogtada eheen eek a shaqeyn jiray iyo beeraha khasabka (seasonal workers) waxey ehayeen 3500kuf shaqaalahaan dambe sanadkii waxey shaqeyn jireen marka lisku daro mudo 8bilood ah.

Jowhar waxaa ay can ku noqotay wax soo saarka Bariiska waana goobta ay ku yaalleen mashaariicdii waaweynaa ee Bariiska sidii kii Baarow weyne .

Magaaladu waxey leedahay 3 suuq oo waaweyn,labo waxaa lagu iibiyaa  badeeco kala duwan sida rashinka, bagashka, iyo dharka ,halka kan sadaxaad uu ka ahaa suuqa xoolaha.

Jowhar waxa ay can ku aheyd isboortiga waana magaalada kaliya ee laheyd naadi kubadda cagta oo heerka 1aad ah marka laga reebo caasimadda Muqdisho oo sagaal koox oo heerka 1aad ay ka dhisnaayeen.

Dhanka waxbarashada Jowhar waxa ay ka mid aheyd magaalooyinkii ugu horeeyay ee    Ameerikaanku ay ka dhiseen dusiyo waxbarasho oo macallimiin Mareykan ah ay wax ka bari jireen.

Jowhar ma aha magaalo dhismo ahaan qurux badan laakiin dadka ku dhashay waa dad nabadeed oo reer Jowharnimadu ay kala weyn tahay tan qabiilka IWM waxaana taa daliil u ah isku xirnaanta dhalinyarada kuwa Yurub iyo Ameerika jooga ,kuwa Carabaha jooga iyo kuwa dalka jooga .

F.G  Waxaan u mahad celinayaa ustaad Mataaneey Abraa oo gacan ka geystay macluumaadka  maqaalkan.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here