Kaalinta Turkiga ee Soomaaliya iyo Taageerada Niyadsami leh ee Waqtiga Adag

3512

Waxay Soomaaliya ka soo kabanaysaa hadimooyinkii gaadhay ciidamada Qalabka sida ee Soomaliyana, waxay si wadajir ah ula hawlgalayaan kuwa midowga Afrika, iyagoo dib-u-hantay inta badan xarumaha dadweynaha Soomaaliyeed iyo kaabayaasha muhiimka ah oy ka mid yihiin; dekadda Barawe, islamarkaana uu horumar lixaad leh ku tallaabsanayo qaab-dhismeedka dawladdeenna muddo kooban marka la eego awoodda iyo fulintooda, si loo xaqiijyo ‘higsiga ‘qorshaha ee 2016’– sannakaas oo aynu qaban doonno doorashooyin guud taasoo aynu si dhab ah u xaqiijin doono.

Mid ka mid ah arrimaha aan soo xusayna suuragal ma noqoteen, hadddii aanan taageero iyo kaalmo deeqsinimo leh ka helin beesha caalamka, gaar ahaan dalka Turkiga – iyo madaxweynihiisa–isagoo tusaale waafi ah u noqon kara kaalinta wax-ku-oolka ah ee ay ka qaateen dib-u-soo-kabashada dalka.

Waxay Dawladda Turkigu soo bandhigtay horumar baahsan oo dhinacyo badan taabanaya, iyadoo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaliyeed fursad u siisay inay ka wada faa’iidaystaan wax qabadka ku salaysan ajendada lahaanshaha bulshada, taasoo sare u qaadday dareenka shacbiga, kalsoonida iyo niyadsamida ay u hayaan taageeradooda joogtada ah.

Wuxuuna Turkigu si buuxda isu waafajiyey baahida jirta, isagoo isku-dhafaya dadaallo kala duwan oo ku wejahan hab-raacyada taabbagelinta horumarinta ee ay ka mid yihiin; gargaarka bini’aadminnimada, horumarinta mashaariicda iyo hirgelinta maalgashiga dalka.

Dawladda Turkigu, waxay kaloo xaqiijisay in taababgelinta iyo joogtaynta horumarintu aysan ahayn oo keliya awaaiir dibadda laga soo waariday, baahida ka tarjumaysa jaran-jarada siyaasadda, taasoo marna talaabo la qaadayo.

Balse hawlgalka Turkigu, waa mawjad mashaariic ah oo mar keliya la wada hirgelinayo, waxayna ku dhisan tahay awood dabiici ah, iyadoo safka hore ay hawlgalladaas kaga jiraan dadweynaha Soomaaliyeed. Wuxuu Turkigu maalgeliyey kaabayaasha dhaqaalaha, dhismayaasha cisbitaallada, dib-u-dhiska dhismayaasha hantida dawladda iyo qodista ceelasha. Waxay tababarro u fidiyeen Dhakhaatiirteenna, macallimiinta iyo shaqaalaha rayidka ah.

Waxay Turkigu deeqo waxbarasho u fidiyeen in ka badan 1,000 arday, iyadgoo fursad u siiyey inay ubadkennu dibadaha aqoon dheeraad ah ka soo qaataan. waxay dalka soo galiyeen ganacsi is-beddelo lixaad leh ku sameeyey muuqaalka magaalada Mogadishu, islamarkaana ku dhiirregeliyey inay shirkado fara badan dalka yimaadaan, ayna is-bedel ku sameeyaan maalgashiga iyo mashaariicda wax-soo-saarka dalka, ayna ka mid yihiin; soo celinta adeegyada dekedda iyo garoonka diyaaradaha oo sare u qaadday dakhliga iyo dhaqaalaha dalka.

Maanta, imaatinka rakaabka la socda shirkadda Turkish Airlines’ ee hawada sare ee Mogadishu ka soo degaysa, waxay si joogto ah inoo xusuusinaysaa xasiloonida sii kordhaysa iyo kalsoonida aynu ku qabno taageerada deeqsinnimada leh ee Turkigu noo fidinayo.

Marna Turkigu lama sugayaan maalgelinta taageeradooda ilaa inta xasilooni buuxda uu dalku ka gaarayo, waxayna maalkooda u hurayaan sidii uu dalku horumar taam ah ku xaqiijin lahaa.

Halka maalgeliyayaasha kale ee caalamiga ahi ay qorshohooda ka hirgaliyaan meelo kale oo dunida ka mid ah, waxayna Turkigu dadkooda u soo diraan gudaha Soomaaliya , iyagoo sare u qaadaya xaddiga ugu sarreeya ee khibradda iyo dhaqaalaha maalgelinta ku habboon.

Hay’adaha gargaarka ee dalka Turkigu, waxay si toos ah taageero u gaarsiiyaan dadka tabaalaysan, si ay u kordhiyaan saamaynta waxtarka leh ee ay adeegyadaasi u leeyihiin. Waxanan tusaale u soo qaadan karnaa Tababarrada ay ka fuliyaan cisbitaallada magaalada Mogadishu, wuxuuna Turkigu ku qalabeeyey cisbitaalka 400-sariirood, iyagoo tabbabaro xiriir ah ay u fudinaya dhakhaatiirta Maggaalada Mogadishu ka hawlgala, si sare loogu qaado khibraddooda dhinaca gargaarka caafimaadka ee ay bukaannadu u baahan yihiin.

Tallaabooyinkani waxay daah-fureen in hay’adaha horumarinta Turkigu ay ku sifoobaan la hawl-galayasha ugu haboon ee si siman ula shaqeeya hay’adaha dawladda, bulshada maxaliga ah iyo ganacsatadaba.

Isku soo wada duuboo, madaxweynaha dawladda Turkiga Muadane Recep Tayyip Erdogan, wuxuu kaalin hormuudnimo ka qaatay hawlgalkaas.

Laga soo bilaabo ilaa horraantii sannadkii 2011-kii isagoo xilligaas ahaa ra’iisul wasaare, ayaa waxa uu booqasho ku yimid dalka Soomaaliya– isagoo noqday mas’uulkii ugu sarreeyey ee darajadiisoo kale gaaray oo cagta soo dhiga dalkeenna in ka badan 200! Isaga ayaana indhaha caalamka ku soo jeediyey, wuxuuna shucladda u qaaday baaqii caalamiga ahaa ee sida tooska ah uu ugu soo bandhigay beesha caakamku inay wadajir ahaan uga qayb qaadato dib-u-dhalashada iyo horumarinta dalka Soomaaliya.

Laga soo bilaabo dib-u-cuarashadaas, Turkigu wuxuu Soomaaliya ula dhaqmayey la-hawl-gale isku-dheellitiran, isagoo xurmaynayey codsiyadii kala duwanaa iyo mudnaan-siinta barnaamijyada dib-u-soo-kabashada ee ay Soomaalidu soo jeediyeen.
Waxay Aragtida dawladda Turkiga ku salaysan tahay hadaf ku wejahan Mustaqbalka Soomaaliya ee dhinacyada la-hawlgalka ganacsiga, fursad siinta tallabooyinka horumarinta, isku-dheellitirka xiriirrada waafaqsan is-qadarinta, iyo iskaashi yiddidiilo leh.

Kaalinta Turkiga ee dhinacyada horumarinta iyo xasilinta dalka Soomaaliya, waxay astaan muhiim ah u tahay hab-raaca Taageerada Niyadsamida leh ee Waqtiga Adag ee uu dalku imminka marayo, annagoo si weyn u rajaynayna inaynu saaxiibtinnimo waarta ay na dhex mari doonto xilliga barwaaqada ah ee mustaqbalka nagu soo fool leh

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here