Kadib Al-shabaab adeegyadii bulshada ee degmada Mahadaay oo soo laabtay

0
1968

Tan iyo markii ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa haatan waxaa laga dareemayaa isbedelo iyo horumaro dhinacyo kaladuwan leh sida adeegyadii bulshadda  oo dib u soo laabtay ammanka ganacsiga iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

Ganacsatatada sayladda xoolaha lagu kala iibsado ee degmada Mahadadaay ayaa ka war bixiyay dhaq dhaqaaqa ganacsigi suuqa xoolaha.

“Wax dhibaata,ah kama jiraan degmada Mahadaay  xooluhu dawo,ayeey u bahan yihiin idinkana dowlo,alle  nooga kiin dhigay in aad deg deg daawo noogu raadisiin oo macnaha  waxaan is kula noolnahay sidaas wax noogu raadisaan ayaan rabna”. Waxaa sidaasi sheegay mid kamid ah dadka Mahadaay.

Xoghayaha dowlada hoose degmadda Mahadaay  Cali Cabdi Aadan  ayaa isna ka war bixiyay is bedelka,u dhexeeya xiligi ay kala wareegeen kooxda,UGUS iyo xiligaan farqiga u dhexeeya.

“Meeshaan waxaan nimid halbil ayaan joognaa ka maamul dowladda waxbadan ayaa isbedelay suuqa xoolaha waa caadi meeshaan joogno waa sayladi xoolaha degmada Mahadaay xoola aad u tiro badan ayaa yimaada maalin kasta” ayuu yiri Aadan.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka degmadda Mahadaay dhinaca dhaqalaha Maxamed Bashiir Qaasim ayaa sheegey in ay jiraan is bedelo xoogan oo dhinacaganacsiga iyo wax soo saarta intuba.

“Waxaan ku guda jirnaa kormeerkii  dhaq dhaqaaqii bulshada degmadda Mahadaay sida aad u jeedan waxaan joognaa suuqii weynaa xoolaha degmada inta badana waxaa ganacsi lugu sameeyaa maalinta  jimcaha,fatahadihii iyo roobabkii da’ay ayaa hakad geliyay”. Waxaa sidaa yiri Qaasim.

Degmada Mahadaay ayaa hada la dhihi karaa mid ka soo kabanaysa dhibaatooyinkii iyo dib u dhicii ay ku sameeyeen kooxda Al-shabaab oo mudo halkaasi gacanta key heysay ayagoo baabi’iyay inta badan adeegyadii bulshada key dhaqan degmada waxaana hadda si tartariib tartiib ah u soo laabanaya muuqaalka degmadaasi.

W/D: Abukar Bacaadle –Jowhar.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here