Kenya oo duqeyn ku dishay horjoogihii Al-shabaab u qaabilsana sameynta walxaha qarxa

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay dishay Madaxii Al Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada gobolka Gedo iyo 20 xubnood oo kale oo ka tirsan Kooxdaasi

Millateriga Kenya ayaa sheegay ku dhowaad 20 ka tirsan maleeshiyada Al Shabab lagu dilay howllgal Ciidamada AMISOM ay ka fuliyeen gobolka Gedo Maalintii Jimcaha ee shalay,kaasi oo uu ka mid ahaa Maalim Shariif oo ah dhinaca Qaraxyada u qaabilsan Kooxda Shabaab.

Afhayeenka Millateriga David Obonyo ayaa sheegay in weerarka lala bartilmaameedsaday xarun tababar oo ay Kooxda ku leedahay gobolka Gedo, ayna sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Bartilmaameedka, waxa uu ahaa Maalim Shariif oo kooxda u qaabilsan farsamada qaraxyada gobolka Gedo, waxa uuna mas’uul ka ahaa dhacdooyin badan oo kooxdu ay ka geysatay Gobolka iyo meelo ka baxsan” ayuu yiri Obonyo.

Kenya ayaa sheegtay in Intii uu socday howllgalka ay baxsadeen qaar badan oo ka tirsan Kooxda iyaga oo dhaawac ah, hase ahaatee, ay ka qabsadeen Hub ay ka mid yihiin 16 AK47 iyo 7 ARPG.

Dhawaan ciidamaa AMISOM waxa ay duqeyn ku dileen Mahad Karataay oo maleeshiyada Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka sirdoonka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here