Kerry: Kenya ayaa ka caawinayna la dagaalanka argagaxisada

0
1260

Xoghayaha arimaha dibada ee dalka Mareykanka John Kerry ayaa maanta oo Axada ah booqasho ku tagay dalka Kenya si Mareykanka uu Kenya uga caawiyo la dagaalanka argagaxisada ee kooxda UGUS taas oo weeraro dhiig badan uu ku daatay ka geystay wadamada bariga Afrika.

Kerry ayaa sidoo kale khudbad ka jeedin doona kulan ay leeyihiin kooxaha xuquuqda aadana iyo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta isagoo kala hadli doona caqabadaha ku hor gudban wadahadalada nabadda dhinacyada Suudaanka Koonfureed iyo qalalaasaha ka oogan dalka Burundi, sida laga soo xigtay saraakiil Amerikaan ah.

” Waxaan raadinayna qaab kale oo suurtagal i nooga dhigaya in Kenya aan ku caawin karno dadaalada ku aadan la dagaalanka kooxda UGUS,” waxaa sidaa yiri saraal.

Bishii la soo dhaafay ayaa Wasiirka Arimaha dibadda ee dalka Kenya Amina Maxamed waxaa ay sheegtay in Kenya saaxiibada reer galbeedka ugu baahan tahay in ay ku caawiyaan arimaha mukhaabaraadka iyo baaritaanada kale oo la xiriira argagaxisada.

Washington ayaa si gaar ah ugu walacsan xaaladda amni ee dalka Kenya deriska la ah ee Soomaaliya halkaas oo ay ka jirto dowladda caalamka aqoonsan yahay oo dagaal kula jirta kooxda Al-Qaacida ku xiran ee UGUS.

Mr Kerry Xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanka ayaa booqashadiisa beriga Afrika waxaa ayt imaanaysaa iyadoo dowladiisa iyo Qaramada Midoobay ay sheegeen in ay ka walacsan yihiin go’aanka Kenya ay ku gaartay in gebi ahaanba xirto xerada Dhadhaab oo ay ku jiraan qaxooti Soomaaliyeed oo aad u badan.

Booqashada Kerry ee dalka Kenya ayaa hor u dhac u ah safarka madaxweynaha dalka Barack Obama la filayo in bisha Juun ee sanadkan uu ku yimaado dalka Kenya taas oo noqonaysa booqashadii ugu horeysay oo dalka awoowihii ka soo jeeday uu ku tago tan iyo markii uu qabtay xafiiska madaxweynenimo.

Mr Kerry ayaa todobaadkan booqan doona dalka Jabuuti isagoo la kulmi doona madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Jabuuti ayaa u ah dowladda Mareykanka saldhiga ciidan oo aad u balaaran guud ahaan geeska Afrika.

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here