Khudbada Murashixiinta u taagan Qabashada Xilka Madaxweyne eeMaamulka Hir-shabeelle ayaa la filayaa in Maanta ay jeediyaan

Murashixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweyne ee Maamulka Hir-shabeelle ayaa la filayaa in Maanta ay jeediyaan Khudbadahooda, waxaana ay ka hor jeedin doonaan xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hirshbeelle

Murashixiinta isku diiwan galiyay Xilalka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa la filayaa inay waxqabadkooda ka horjeediyaan Xildhibaaanada, waxaana ilaa hadda isi-soo sharraxay afar murashax oo kaliya, kuwaas oo u tartamaya jagada Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka Hir-shabeelle.

 Guddoomiyaha Guddiga Doorashada   Madaxweeynaha iyo Madaweyne Ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Xil.Caaisho Khaliif Xaji Maxamed ayaa  Gudoonsiiyay Shahaadada Musharaxnimada Murashixiinta kala ah Cabdiraxmaan Jimcaale Cusmaan oo utartamayo Jagada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabelle, Musharax Cali Guudlawe Xuseen oo u tartamayo Jagada Madaxweynaha , Musharax Yuusuf Axmed Hagar iyo Musharax Maxamed Maxamuud Cabdulle (M dheere) oo utartamayo Jagada Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle.

Waxaa la filayaa in Berri oo Arbaco ah in la gudo galo doorashada Madxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here