Koox Burcad Koonfur Afrikaan ah oo dil u geystay muwaadin Soomaaliyeed.

Koox Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay Xaafad ka tirsan Magaalada Cape-Town ee dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada ku nool halkaas.

Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Ganeey, waxaana dilkiisa uu ka dhacay Xaafad isku raran ah oo lagu magacaabo kaliija oo ka tirsan Magaalada Cape-Town.

Burcada hubeysan ee  Koonfur Afrikaanka ah  ayaa waxaa mararka qaarkood  dil iyo dhac u geystaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here