Koox hubeysan oo wariye Jamaal Faarax ku dilay waqooyiga Gaalkacyo

Koox hubaysan ayaa goordhaw ku dishay agagaarka Xerada Siinaay ee Gaalkacyo Wariye Jamaal Faarax Aadan oo ka mid ahaa rugcadaayaasha saxaafadeed ee sida weyn looga yaqaanay deegaannada Puntland iyo Soomaaliya intuba.

Ma jirto cid ay laamaha ammaanku ilaa iyo hadda u qabteen dilka wariyahan, balse waxaa socda howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay falka dilka ah ee loo geystay Allaha u naxariistee Wariye Jamaal Faarax Aadan oo ka howlgeli jiray Idaacadda Daljir ee fadhigeedu yahay Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here