Kooxaha Arsenal, Southampton,Tottenham, Crystal Palace iyo Swansea oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

1383

Kooxda Newcastle United ayaa waxaa garoonkeeda St. James’ Park 1-2 uga badiyay kooxda Arsenal.

Ciyaaryahan Olivier Giroud ayaa qeybtii hore ee ciyaarta labo gool u dhaliyay kooxda Arsenal,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

cele Gi cele Gi celee Gir celee Gir gool Giro gool Giroud gool

Ciyaaryahan Moussa Sissoko ayaa bilowgii qeybtii danbe ee ciyaarta gool u dhaliyay kooxda Newcastle United.

Musa gool Musa gooolMusa cele

Kooxda Arsenal ayaa kaalina sedaxaad ka soo gashay kala horeynta horyaalka ingiriiska,waxana ay leedahay 60-dhibcood,halka kooxda Newcastle ay horyaalka uga jirto kaalinta 12-aad,iyadoo leh 35-dhibcood.

Kooxda Southampton ayaa garoonkeeda St Mary’s Stadium 2-0 uga badisay kooxda Burnley.

Kooxda Southampton ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 37-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Shane Long,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Shane goolShane cele

Ciyaaryahan Jason Shackell ayaa daqiiqadii 58-aad ee ciyaarta goolka labaad dhaliyay kooxdiisa Burnley.

Jasonjason sad

Kooxda Southampton ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta lixaad,waxana ay leedahay 53-dhibcood,halka kooxda Burnley ay kamid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Kooxda Tottenham Hotspur ayaa garoonkeda White Hart Line 4-3 uga badisay kooxda Leicester City.

Ciyaaryahan Harry Kane ayaa bilowgii ciyaarta labo gool oo deg deg ah u dhaliyay kooxda Tottenham.

Kane cele Kane celeee Kane gool Kane goool Kane Knae gooool

Ciyaaryahan Jamie Vardy ayaa dhamaadkii hore ee ciyaarta gool u dhaliyay kooxda Leicester City,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Jami gool Jamia cele

Ciyaaryahan Wes Morgan ayaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta goolka labaad ee bareejada u dhaliyay kooxda Leicester City.

Wes goolWes cele

Ciyaaryahan Harry Kane ayaa daqiiqadii 64-aad ee ciyaarta goolka sedaxaad u dhaliyay kooxda Tottenham,waxana uu ahaa goolkiisii sedaxaad ee ciyaarta.

Ciyaaryahan Harry Kane ayaa sanadkan 29-gool ka dhaliyay horyaalka ingiriiska ee Premier League-ga.

Ciyaaryahan Jeffrey Schlupp ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka afaraad ka dhaliyay kooxdiisa Leicester City.

Jeff gool

Ciyaaryahan David Nugent ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka sedaxaad u dhaliyay kooxda Leicester City.

Kooxda Tottenham ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta todobaad,waxana ay leedahay 53-dhibcood,halka kooxda Leicester City ay kamid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Kooxda Aston Villa ayaa waxaa garoonkeeda Villa Park 0-1 uga badiyay kooxda Swansea City.

Ciyaaryahan Bafetimbi Gomis ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Swansea City.

Gomis goolG celecele cleee

Kooxda Swansea City ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto sideedaad,waxana ay leedahay 43-dhibcood,halka kooxda Aston Villa ay horyaalka uga jirto kaalinta 16-aad,iyadoo leh 28-dhibcood.

Kooxda Stoke City ayaa waxaa garoonkeeda Britannia Stadium 1-2 uga badiyay kooxda Crystal Palace.

Kooxda Stoke City ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 14-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Mame Biram Diouf.

Diof goolDiof celee Diof celeeeeDiof cele

Ciyaaryahan Glenn Murray ayaa daqiiqadii 41-aad ee ciyaarta gool bareejo ah oo rigoore ahaa u dhaliyay kooxda Crystal Palace.

Mury penMury penaMury cele

Ciyaaryahan Wilfried Zaha ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Crystal Palace,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Zaha goolZaha cele Zaha celee

Kooxda Stoke City ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta sagaalaad,waxana ay leedahay 42-dhibcood,halka kooxda Crystal Palace ay horyaalka uga jirto kaalinta 11-aad,iyadoo leh 36-dhibcood.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here