Ku Biirista Soomaaliya ee Ururka COMESA (War-bixin)

464

Soomaaliya ayaa noqotay xubintii 21-aad ee Suuqa ka dhaxeeya Wadamada Bariga Iyo Koofurta Afrika (Common Market for Eastern and Southern Africa COMESA), sida ku cad bogga 7aad ee warbixinta ugu dambeysa (Final Communique) ee shirkii 20-aad ee Madaxda Wadamada COMESA, ee lagu qabtay Lusaka, Zambia, 19-kii Luuliyo 2018-ka.

 

Ku biirista COMESA waa istaraatiijiyad kordhin ganacsi iyo kobcin dhaqaale, Waxa ay kor u dhigaysaa sumcadda siyaasadeed ee dalkeena, waxaa kale oo ay u suurtagalinaysaa ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashadaan 20 wadan oo ku yaal bariga iyo koofurta Africa.
COMESA waa is-dhexgal ama iskudar dhaqaale (Economic Integration) ee gobolka bariga iyo koofurta oo ujeedadiisu tahay in la yareeyo ugu dambeyna la baabi’iyo canshuurta iyo wixii kale (sida qawaaniinta dalalkaas) oo caqabad ku noqon kara isu socodka xorta ah ee badeecada, adeegga macaamiisha, dadka, lacagta, iyo maalgashiga.

Faa’iidada iyo Waxyeelada Iskudar Dhaqaale
Iskudar Dhaqaale (Economic Integration) sida COMESA, EAC (EAST AFRICAN COMMUNITY), ECOWAS (ECONOMIC COMMUNITY OF WEST AFRICAN STATES), AFTA (ASEAN FREE TRADE AGREEMENT), NAFTA (NORTH AMERICA FREE TRADE AGREEMENT), EU (EUROPEAN UNION aka EUROPEAN ECONOMIC COMMUNITY), waxaa ka dhasha faa’iidooyin dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed.

Dhinaca dhaqaalaha
Waxaa ka mid ah macaamiisha 21-ka wadan oo hela badeeco ka badan oo ka tayo fiican tii horay u tiilay suuqa oo waliba qiimuhu ka jaban yahay, canshuurta la yareeyay ama la baabi’iyay awgeed.

Waxaa kale oo kordhaya ganacsiga iyo maalgashiga u dhaxeeya 21-ka wadan taasna waxay kordhinee dhaqaalaha guud ahaan, dakhliga dowladda, shaqo abuurista, welibana ay hoos u dhigee sicir bararka. Guud ahaan, waxaa kor u kacaya heer nololeedka dadka.

Dhinaca siyaasadda
Waxaa ka dhalan kara Is-dhexgal ama Isku-dar Dhaqaale is-faham iyo isku soo dhawaasho dhex-mara 2-kaas wadan taas oo yareyn karta isku-dhac iyo dagaal dhex-mara wadamadaas.

Iskudar Dhaqaale waxay keentaa in faquuq ganacsi lagu sameeyo wadamada aan xubinta ka ahayn iskudarka dhaqaale xitaa haddii badeecadoodu ka wanaagsan tahay ama ka jaban tahay badeecada wadamada xubnaha ka ah iskudarka dhaqaale (trade diversion).

Waxyeelada kale oo ay leedahay waa madaxbanaanida qaranimo (national sovereignty) ee wadamada xubnaha ka ah iskudarka dhaqaale oo hoos u dhacaysa waayoo waa in ay u hogaansamaan siyaasadada guud iyo barnaamijyada kooxda sida canshuurta, siyaasadda ganacsiga iyo maalgashiga, kontoroolka xuduudaha iyo qawaaniinta dal ku galka iyo qaxootiga.

Waxaa jira lix heer oo Iskudar Dhaqaale (marka lagu daro “Preferential Trade Agreement or PTA). Marka iskudarsanka dhaqaale uu sii xoogaystana, waxaa sii yaraada madaxbanaanida qaranimo ee dalalka ku jira kooxda wax iskudarsatay (waa arrinta ugu weyn ee UK ku dhalisay ka bixitaanka Midowga Europe ee loo yaqaan BREXIT).

Ganacsata Soomaaliyeed waxay leeyihiin xirfad hal abuuris ganacsi iyo u bareerista khatarta ganacsiga (entrepreneurial skills). Waxay ku wanaagsan yihiin oo ay magac fiicanna uga kasbadeen Afrika iyo Aasiya ganacsiga wax dhoofinta iyo soo dejinta, rarista doonyaha, xawaaladaha, hoteelada, maqaayadaha, xarumaha shidaalka, dukaamada tafaariiqda, dirista badeecada, gaadiidka xamuulka qaada, ka ganacsiga dahabka, dhisida iyo kireynta/iibinta guryaha, iyo howla kale oo badan.

Tirada dadka Soomaaliya waa qiyaasti 12 million. Waxaa ka jira sicir barar iyo naaqus baayacmushtarka caalamiga ah (international trade deficit); COMESA qiyaasti waa 400 million.

Waxaa jiraa culaysyo ganacsi. Tusaale ahaan, Kenya, oo ay ka howlgalaan ganacsato badan oo Soomaali ah, ayaa kordhisay canshuurta badeecada la soo galsho Kenya iyada oo markii horeba macaashku hoos u dhacay.

Dhibaatada sicir bararka, naaquska baayacmushtarka dalka, iyo xurgufta siyaasadeed ee wadamada Khaliijka Carabta waxaan uga bixi karnaa in aan la nimaadno istraatiijiyad dhaqaale oo cusub sida COMESA iyo in aan ka qayb qaadano isbadelada siyaasadeed iyo dhaqaale ee ka socda gobolka. Waxay ila tahay in dekadda Jabel Ali ee Dubai ay tahay bil sii dhacaysa marka aad fiirisid muhiimadda ganacsi oo ay leedahay badda Hindiya iyo xeebaha wadamada bariga Afrika.

Marka waa in ganacsatada Soomaaliyeed ay arkaan, diyaarna u noqdaan fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ku jirta ku biirista uu wadan-
keenu ku biiray suuqa weyn ee COMESA oo ay ka faa’iidaystaan xirfaddooda iyo firfircoonidooda ganacsi oo ay ka qayb qaataan ganacsiga gobolka iyo caalamka.

Waxaa ila quman in Rugta Ganacsiga Soomaaliya (Somali Chamber of Commerce) ay horyaal ka noqoto howshan oo ay cilmi baaris ku soo sameeyso 20-ka wadan ee kale si loo ogaado waaxyaha ganacsi ee fursado fiican ay ka jiraan iyo sida ganacsatadeenu ay ku geli karaan iyo in la darso qawaaniinta COMESA.

Dowladda Soomaaliya waxaa laga rabaa in ay diyaariso oo dadejiso kaabayaasha dhaqaale ee dalka, qawaaniinta ganacsiga, diiwaangalinta dad-weynaha Soomaliyeed iyo qawaaniinta muwaadinimo, in ay qabato kulamo aqoon kororsi iyo dhiirigalin ah, iyo in ay qabanqaabiso safarro ay ganacsatadu ku soo arkaan wadamada iyo xarunta xoghaynta COMESA ee Lusaka, Zambia. Wadamadu waxay isku dhaafaan aragtida ganacsatada iyo tan hogaanka qaranka. Siyaasadda adduunku waxay isugu soo ururtay ganacsi iyo dan dhaqaale.

W/Q:-Dr. Ismail Ali Siad

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here