MUQDISHO: Ku-simaha guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD oo la dilay

1176

SIMAD

Kooxo hubeysan ayaa saakay magaalada Muqdisho ku dilay Ibraahim Maxamuud Xaamud oo ahaa ku simaha guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay toogteen marxuumka oo gaarigiisa wata, agagaarka isgoyska Bakaaraha ee degmada Hodon.

Alle ha u naxariistee, Ibraahin Maxamuud Xaamud wuxuu ahaa kaaliyaha guddoomiye ku xigeenka jaamacadda ee arrimaha waxbarashada, isagoo hadda ahaa ku simaha guddoomiyaha jaamacadda oo shaqo ugu maqan dalka dibaddiisa.

Maamulka Jaamacadda SIMAD ayaa Radio Muqdisho u sheegay in meydka  marxuumka la geeyay isbitaalka Madiina.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here