Ku Simaha Madaxweyanaha “Shacabka Iyo maamulka  Puntland marna yeysan niyad jebin argigixisada oo isku duubni ha muujiyaan”

1052

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa cambaareeyey weerarkii argigxisanimo ee maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

“hor iyo horaan waxaan doonayaa inaan xanuunka iyo murugada la wadaago shacabka iyo maamulka Puntland aniga oo ku hadlaya magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda, magaceyga, magaca Guddoonka Baarlamaanka iyo magaca Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaan si buuxda u cambaareynayaa falkaas argigixisada ah ee maanta ka dhacay gudaha magaalada Garoowe” ayuu hadalkiisa ku bilaabay ku simaha Madaxweynaha Dalka.

“sidoo kale waxaan u tacsiyadeynayaa Shaqaalaha iyo hogaanka QM oo aan uga tacsiyadeynayo geerida shaqaalihii ka tirsanaa waxaan doonayaa in aan dareensiiyo ineysan fulin u jeedada ay argigixisadu ka laheyd weerarkan oo ah in la hor istaago hormarka iyo gargaarka ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxaanna idiinku boorinayaa inaad sii wadaan shaqadiina oo aysan saameyn falkan bahalnimo”ayuu hadalkiisa sii taaciyey ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Ugu dambeyn ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu baaqay shacabka,hay’adaha ammaanka iyo hogaanka dowlad goboleedka Puntland iney meel uga soo wada jeestaan cadawgooda islamarkaana marna aysan niyad jebin oo falalka argigixisonimo hor istaagin hormarkooda

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here