Ku simaha Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii Baarlamaanka Jabuuti

1056

Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Afhayeenka golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa dowladda iyo shacabka dowladda aynu walaalaha nahay ee Jamhuuiryadda Jabuuti ugu tacsiyeeyay geerida guddoomiyihii Baarlamaanka dalka Jabuuti Allaha u naxriistee Idiris Arnoud Cali oo xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaala dalka Kenya.

“Anigoo ku hadlaya Magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya kan golaha shacaka iyo guud ahaan magaca ummadda Soomaaliyeed waxaan tacsi tiiraanyo leh u direyaa Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle geerida guddoomiyihii Baarlamaanka dalka Jabuuti waxaana ilaah ugu bariyayaa in uu Janadii Firdowsa geeyo ehelkii iyo Asxaabtii uu ka baxayna uu samir iyo iimaan kuu ka siiyo” ayuu yiri Mudane Jawaari.

Ku simaha Madaxweynaha dalka ayaa sidoo kale sheegay in Allaha u naxriistee Idiris Arnoud Cali uu ahaa saaxiib weyn oo Soomaali ay weyday, isagoo intaa ku daray in uu ahaa Allaha u naxriistee Guddoomiye Idiris ruux had iyo jeer u taagan danaha bulshada Soomaaliyeed isla markaana jeclaa garab istaagooda.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here