Ku simaha Madaxweynaha dalka oo shahaadooyinka gudoonsiiyay arday ka qalin jabisay Jaamacadda Hope”Sawirro”

1
1809

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ahna ku simaha Madaxweynaha dalka oo ay wehliyaan xubno ka tirsan labada gole ee dowlada Soomaaliya ayaa ka qeyb galay xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay in ka badan 100 arday oo dhameysatay heerka labaaad ee waxbarashada Jaamacada Master-ka oo ay ka kaashadeen Jaamacadaha Hope iyo Jaamacada Kampala ee wadanka Uganda.

Sidoo kale xafladan qalin jebinta ah ayaa waxaa joogay Aqoonyahano iyo dhaqaatiir u dhashay dalka Masar waxaana ardayda qalin jebineysay ay goobta ku soo bandhigeen suugaan ka turjamaysa waxbarashada qiimaha ay leedahay.

Madaxa Jaamacada hope qeybteeda magaaladda Muqdisho Maxamed Sheekh C/raxmaan ayaa oo kamid ahaa mas’uuliyiintii xafladda hadal ka jeedisay ayaa tilmaamay in qeybo badan isugu jireen ardaydan maanta shahaadooyinka la gudoonsiiyay.

“Ardayda ka qalin jabisay guud ahaan waxay dhan yihiin 110 arday, 110 kaa arday 24 kamid ah waxaa ay ahaayeen Soomaliland Hargeysa,4 oo ahaa Punland Garoowe 82 kale oo Master Degree waa Muqdisho, ardaydaasi waxaa ay isugu jireen 5 Kuliyadood oo ay kamid tahay Kuliyadda Public Health” ayuu yiri C/raxmaan.

Professor Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah mudaniyaasha Baarlamaanka Soomaaliya isla markaana kamid ahaa mas’uuliyiinta xafladdan joogtay ayaa maamulka sare ee Jaamacadda Hope ugu mahadceliyay deeqda ay ugu talagaleen in ay ku maamusaan gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jabuuti Allaha u naxariistee Idiris Arna’ud Cali.

Safiirka dowlada aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Dayib Dubbad Rooble ayaa sheegay in tallaabadan ay qaaday Jaamacada Hope ay tusaale u tahay in Allaha u naxriistee gudoomihii hore ee Baarlamaanka Jabuuti uu saameyn weyn ku lahaa shacabka Soomaaliyeed,isagoo hambalyo u diray ardayda maanta qalin jebisay.

“Run ahaantii talabadani waxaa ay tilmaamaysaa kaalintii uu ku lahaa gudoomiyihii hore Allaha u naxariistee Idiris Arna’ud Cali iyo dadaalkii uu ugu jiray sidii Soomaaliya dhibaatada looga samatabixin lahaa gaar ahaan dhinaca sharciga ee Barlamaanka gudahiisa, waxaana u mahadcelinayaa gudoonka Jaamacadda waxaa sidoo kale u hambalyaynayaa ardayda Jaamacadda maanta ka qalin jabisay” ayuu sheegay Danjire Rooble.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ahna ku simaha Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa kula dardaarmay ardayda qalin jebisay in aqoontooda ay dalka iyo dadka ugu faa’ideeyaan.

“Ereyga aan idin kala dardaaramayo waxaa uu yahay dadka Soomaaliya in ay ka baxdo mashaakilkan ay ku jirto oo ay cadowgeeda ah oo naga mid ah waxay garteen waxa aad noqon kartaan adinka waxaa la idin ka rabaa in aad ogaataan waxaa aad noqon kartaan intaas fahma oo hurdada aan ka kacno dalkaan cid u maqan malahan Alle ka sokow adinkaa u maqan hadii Dastuur aan sameynayno adinkaa iska leh hadii dalka la dhisaayo adinkaa iska leh” waxaa sidaasi yiri Jawaari.

Ugu dambeyn gudoomiyaha Baarlmaanka Soomaaliya ahna ku simaha Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa shahaadooyinka gudoonsiiyay ardayda ka qalin jebisay Jaamacadaha Hope iyo kampala,waana dufcadii sagaalaad ee ka qalin jebisa Jaamacadan.

 ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????  ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. horumar farxad leh oo wadankeena u soo korortay hambalyo ayaan leenahay ardada qalinjabisay waxaana ka sugeynaa ineey wadankooda waxku soo kordhiyaan,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here