Ku simaha Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa cambeereeyay weerarkii Garoowe “Sawirro”

0
1438

Kusimaha Ra’iisul wasaaraha dalka ahna Wasiirka Dastuurka Mudane Xuseen Maxamuud  Sheekh Xuseen oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Argagaxisinimo ee maanta kooxda nabad diidka ah ee UGUS ay ku qaadaan shaqaale u shaqeeya Qaramada Midoobay gaar ahaan hey’adda UNICEF kaas oo ka dhacay magaalada Garoowe.

Wasiirka ayaa sidoo kale tacsi u direy ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi isagoo sidoo kale caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay.

“Kooxdan gabaabsi ayay ku jiraan dowladda waxaa ka go’an in ay soo afmeerto kooxdaasi, shacabka waxaa ka codsanaynaa in ay gacan ku siiyaan hey’adaha amniga sidii loo soo qab qaban lahaa” ayuu yiri ku simaha Ra’iisul wasaare dalka.

Ku simaha Ra’iisul wasaaraha dalka Mudane Xuseen Maxamuud oo si toos ah bulshada ugala hadlayay Radio Muqdisho isla markaana uu wehliyay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska  Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Soomaaliya inta uusan sanadkan dhamaanin guud ahaan dalka laga cirib tiri doono maleeshiyaadka kooxda nabad diidka ah ee UGUS.

DSCN1548 DSCN1551 DSCN1553 DSCN1554

Sawir Qaade: Muuse Cismaan

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here