Ku simaha Ra’iisul wasaaraha dalka oo kormeerey Maqaayadda maanta la qarxiyay “SAWIRRO”

2399

Ku simaha Ra’iisul wasaaraha dalka ahna Wasiirka Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo ay wehliyaan Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”,Taliyaha Hey’adda  Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka ee NISA Janaraal C/raxmaan Maxamed Tuuryare iyo saraakiil kale ayaa kormeer ku tageen Maqaayadda Banooda oo ku taala aga gaarka Taallada Xaawo Taako ee magaalada Muqdisho isla markaana duhurnimadii maanta maleeshiyaad ka tirsan kooxda UGUS ay ka geysteen Qarax ay dad shacabka ah ku dhinteen.

Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ku simaha Ra’iisul wasaaraha dalka oo warbaahinta ka hadlay kadib kormeerka ayaa cambaareeyay qaraxa argagaxisinimo ee  maleeshiyaadka UGUS ay la beegsadeen maqaayadda ay ka cunteynayeen dadka shacabka ah, isagoo sheegay in falkan uu daliil cad u yahay in maleeshiyaadkan caadeystay daadinta dhiiga dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed aysan u tureynin dadka rayidka ah.

“Waad u eedaan maanta dhibaatada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed Ilaah baan idin ku dhaariyee meeshaan aan hadda taagan nahay waa maqaayad oo shacabka wax ka cunaan qof ciidan ah ma joogin qof dowladda u shaqeeya ma joogin waxaa ay gumaadayaan waa shacabka” yuu yiri Ku simaha Ra’iisul wasaaraha dalka.

Ku simaha Ra’iisul wasaaraha dalka ahna Wasiirka Dastuurka oo hadalkiisa sii wata ayaa baaqu direy dadka goobaha ganacsi ku leh hareeraha wadooyinka in ay iska hubiyaan gawaarida ka dhigayo hortooyada isla markaana ay la shaqeeyaan laamaha amniga si looga hortago dhagarta shacabka ay u maleegayaan maleeshiyaadka nabad diidka ah ee UGUS Al-Qaacida.

vlcsnap-2015-04-21-17h29m54s64 vlcsnap-2015-04-21-17h30m29s122 vlcsnap-2015-04-21-17h30m42s25 vlcsnap-2015-04-21-17h30m52s101 vlcsnap-2015-04-21-17h31m15s100 vlcsnap-2015-04-21-17h31m20s100 vlcsnap-2015-04-21-17h31m42s111 vlcsnap-2015-04-21-17h32m01s57 vlcsnap-2015-04-21-17h32m19s218 vlcsnap-2015-04-21-17h32m32s78 vlcsnap-2015-04-21-17h33m08s201 vlcsnap-2015-04-21-17h33m16s42 vlcsnap-2015-04-21-17h33m25s137 vlcsnap-2015-04-21-17h33m40s19 vlcsnap-2015-04-21-17h33m51s121 vlcsnap-2015-04-21-17h34m10s45 vlcsnap-2015-04-21-17h34m23s196 vlcsnap-2015-04-21-17h34m34s44 vlcsnap-2015-04-21-17h35m11s154 vlcsnap-2015-04-21-17h35m45s238 vlcsnap-2015-04-21-17h36m06s195

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here