Kulan Afur ah oo loo Sameeyay jaaliyadda ku nool magaalada Cape Town

0
2541
Kulankaan oo ahaa mid afur ah ayaa waxaa loo sameeyay jaaliyadaha Muslimiinta ah ee ku nool magaalada Cape Town ee dalka South Africa waxaana soo agaasimay qaar ka mid ah ganacsatada iyo dhalinyarada Muslimiinta ee ku nool magaalada Cape Town.
Waxaaa soo xaadiray dad ka kala socday in ka badan 22 dal oo muslimiin ah oo isugu jira dalalka Africa iyo Asia waxaana dal walba dadka ka socday ay goobta kusoo bandhigeen isla markaana ay keeneen raashinada dhaqan ahaan dalalkooda laga cuno xilliyada afurka iyo cunooyin kale duwan ayada looga go lahaa isdhaxgal iyo waliba isbarasho bulshooyinka ku kala duwan dhaqan iyo dalal lakiin wada heysta diinta islaamka loo sameynayo.
Shacabka Soomaalida ee ku nool magaalada Cape Town qaar ka mid ah ayaa goobtaasi xaadiray waxaana ay keeyeen raashin iyo waliba cuooyin fudfud ayada oo ay qeyb ka ahaayeen bulshada Muslimiinta ah ee goobtaasi isugu timid.
Raqib Rajeed oo ka mid ah ganacsatada Muslimiinta ah ee kasoo jeeda dalka South Africa isla markaana xubin ka ah gudiga afur wadareedkaan soo agaasimay ayaa sheegay in muhimada laga leeyahay ay tahay bulshada Muslimiinta ah ee ku nool magaalada Cape Town ay is bartaan barnaamijyada isdhaxgalka ee noocaani oo kale ahna ay sii wadi doonaan.
Maxamed Cali oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ka qeybgalay kulankaan ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in howlaha noocaani ah bulshada Soomaaliyeed ay wax badan ka Faa’idi Kaaraan.
“Runtii Barnaamijyada noocaani ah waa kuwo bulshadeena ay wax badan ka Faa’idi karaan loona baahan yahay casharo badan laga qaato si looga faa’iideysto”
U qaabilsanaha safaarada Soomaaliya ee dalka Koofur Africa magaalada Cape Town Cabdulaahi Cali Xasan  oo ka mid ah gudiga shaqadaan aas aaskeeda wax ka lahaa ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed loo baahan yahay in ay Xariir Wanaagsan la Sameystaan Muslimiinta ku nool dalka South africa.
“Soomaalida halkaan joogta waxaa looga baahan yahay in ay xariir wanaagsan la sameystaan muslimiinta Magaalada Cape Town si loo dhiso xariir wada shaqeyn ah oo dhax mara bulshooyinka’
Kulamada noocaani ah oo la doonayo in ay isku bartaan isdhaxgal bulshana loo sameeyo ajaanibta muslimiinta ah iyo kuwa u dhashay dalka South africa kuna wada nool magaalada Cape Town ayaa hada bilow ah waxaana la filayaa in kulamada noocaani ah lasii badiyo .
Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here