Kulan Amniga degmada Xamar Jajab looga hadlayay oo maanta la qabtay

0
1103

Kulankani oo looga hadalyey dardargelinta   amniga degmada  Xamar-Jajab ee gobolka  Banaadir  iyo sida ugu wanaagsan ee hay’adda  amniga iyo  shacabku  ugu wada  shaqayn  lahayeen  sugida amaanka ayaa maanta lagu qabtay    xarunta  degmadaasi.

Ku simaha  guddoomiyaha  degmada ayaa  shir  gudmoomiyey  kulanka waxaana  ka qayb galay  laamaha amaanka  degmada  iyo  gudiga amniga degmada iyo qaar kamid ah  shacabka degmadaasi , kuwaasi oo is dhaafsanayey su’aallo la xiriira sida  looga wada qayb qadan karo  sugida amaanka degmada  Xamar-Jajab.

Bocor  Xasan  Cilmi oo Taliyaha   saldhiga ciidanka  Boliiska   degmada  Xamar-Jajab  oo warbaahinta qaranka  la  hadlay  markii kulankaasi uu soo  idlaaday ayaa ka warbixiyey  u jeedda  kulanka.

“Waxaa loo kulmay waxay  aheyd sidii loo sugi lahaa amniga degmada Xamar-Jajab waa  talaabada  koowaad  haddii maanta aan qaadnay ee lagu sugayo in gebi ahaan Afarta waaxood ee degmada Xamar-Jajab an xifdino amnigeeda, waxaana  rajaynaa insha’allahu  tacalaa in  maanta laga  bilaabo oo 12 bishu ay tahay wixii ka dambeeya in is  bedal xoogan  oo dhinaca  amniga ah laga  dareemo degmada insha’allah”ayuu  yiri Taliye Bocor.

Guddoomiye xigeenka  arimaha  bulshada  degmada ahna ku simaha  guddoomiyaha Axmed Cabdulahi Samow ayaa  sheegay in kulamadaani looga  hadlayo amniga ay  noqon doonaan kuwa la joogteeyo.

“Laga bilaabo insha’allahu  Tacalaa  maanta  kulamadaani waxay noqon doonaan mid  la jooogteeyo oo week-gii  mar la sameeyo,si  culaysyada bulshada haysata ay  u soo  bandhigaan  jawabana  looga bixiyo” ayuu  yiri goddoomiye Samow.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here