Kulan casho ah oo loo sameeyay dhallinyarada ka qeyb gashay shirkii lagu qabtay Muqdisho

1
985

Kulan casho ah oo looga gol lahaa dhiiragalinta iyo soo dhaweynta Dhallinyarada ka socotay Gobolada Dalka ee ka qeyb galay shirka dhalinyarada Qaranka ee lagu soo gabagabeyay magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu qabtay caasimadda.

Kulanka oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka dhallinyarada iyo Isboortiga Mudane Cabdullaahi Xasan Nuux, Wasiirka Caafimaadka Drs Xaawo Xasan Maxamed, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, Guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee baarlamaanka Xildhibaan Dr Cismaan Maxamed Maxamuud Dufle, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, qaar ka mid ah dhallinyaradii ka qeyb gashay shirkii dajinta siyaasad Qaran ee dhallinyarada ee lagu soo gabo gabeeyay Muqdisho.

Qaar ka mid ah dhallinyarada oo kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay inay ku faraxsanyihin casho sharafta loo sameeyay, waxaana ay dhankooda balan qaadeen inay gacan ka geysan doonaan aragti lagu dajinayo siyaasad qaran oo ay yeeshaan dhallinta Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Xildhibaan Cismaan Maxamed Maxamuud Dufle oo ka mid ahaa madaxda lagu casuumay shirka ayaa ka codsaday dhallinta waxbaratay ee qurba joogta ah in ay dalkooda uga faa’ideyaaan waxa  ay barteen

Wasiiru dowladda Wasaaradda maaliyada Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur oo cashada u sameyay dhallintaan ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa mid lagu dhiiri gelinayo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Mudane Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa sheegay in Wasaaradda dhalinyarada ay soo dhaweyneyso aragtida dhallinyarada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, waxaana uu intaa ku daray in qodobadii ka soo baxay shirka dajinta siyaasadda Qaran ee dhallinyarada lagu dabaqi doono hindise sharciyeedka siyaadda dhallinyarada Qaranka ee ay diyaarisay Wasaaradda.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. dhalinyaradu waa lafdhabarka wadankasto waana quwo hadii si wanaagsan loo dhiso ka dhigto wadankooda wadan horumarsan hadeey dayacmaana waxeey noqdaan kuwo wadankooda ku ah burbur iyo mustaqbal xumo.
    dhalinyarada soomaaliyeed waxeey soo mareen dhibaatooyin aad u xanuun badan hadey joogaan dibada iyo dalka dhaxdiisaba,
    waxaan rabaa in aan halkaan ku muujiyo eedeymo aan dhowr goor maqlay qaarkoodna websaydyada lagu qoro oo dhalinyarada dibaduna eedeynayaan kuwa dalka joogay kuwa dalkuna eedeynayaan kuwa dibada ka yimid
    eedeymahaan waxey cadeynayaan in ay jirto kala qaybsanaan u dhaxeyso dhalinyaradeena waxaana waajib ah in la sameeyo dadaal ayka qayb qaataan shacabka soomaaliyeed oo dhan dal iyo dibadba, waana in la fahamsiiyo dhalinyarada in ay walaalo yihiin wadankooda iyo shacabkoodana ay ka sugayaan ineey wadanka sumcadiisi dib u soo celiyaan mana loo baahno kala qaybsanaan iyo eedeymo hawada laysu mariyo waayo qasaaradu waxey dib ugu soo noqoneysaa dhalinyarada waayo iyagaa ah xoogii mustaqbalka wadankeena.
    hadaba waa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sameeyo gudi ka shaqeeyo isu soo dhaweynta dhalinyaradeena si aan cadawga soomaaliyo uga faa,iideysan kala qaybsanaanta dhalinyaradeena, waxaa dhib noogu filan kuwa nabad diidka ah iyo dhalinyaradeena maalinkasto tahriibka iyo badaha ku le,enaayo marka intii waxqabankartaahi waa ineey ka qayb qaadato dhisitaanka dhalinyaro isgarabtaagan oo ka qayb qaato nabada iyo horumarinta wadankeena ka haray caalamka mudadii colaaduhu socdeen.
    waxaa jiro tusaale qofkastoo muslim ahi ka qibro qaadankaro markow rabo inoow dhiso bulsho ka kala timid meelo kala duwan, waana qorshihii ow adeegsaday rasuulkeenu salallaahu calayhi wasalam markow u haajiray madiino oo ayku noolaayeen asaxaabtii reer ansaareed.
    rasuulku waxoow qabto waxaa ugu horeeyay dhisida masaajid(MASJID QUBAA) talaabadii labaad ee ow qaadana waxeey aheed walaaleynta asaxaabta (MUHAAJIRIINTA IYO ANSAARTA) muhaajiriintu waxey ka soo haajireen reerahoodi iyo xoolahoodi oo dhan waxey yimaadeen madiino iyagoon waxba haysan laakiin ow rasuulku si fiican u soo tarbiyeeyay ansaartuna waxeey joogeen magaaladoodi xoolahoodina way haysteen,marka rasuulku waxoow sameeyay walaaleynta muhaajiriinta iyo ansaarta isagoo hal asaxaabi oo muhaajir ahba la walaaleeyay hal asaxaabi oo ansaari rasuulku waxoow fahamsiiyay asaxaabta qaymaha ay leedahay illaahey dartiis oo loo walaaloobo iyo in bulshadu ku dhismi karto markii lays garab istaago,waxey asaxaabtii ansaareed sameeyeen arrin ay taariikhda islaamku ku qortay baal dahab ah oo ninkastoo ansaari ahaa waxoow walaalkiisi muhaajirka ahaay siiyay maalkiisa barkiis waxeyna isula noolaadeen sidii walaalo isku hooyo iyo aabe ah si ka sii fiican,taasina waxey suuro gelisay in rasuulkeeni iyo asaxaabtu muddo yar ku gaarsiiyaan islaamka wadamo aad u fara badan.

    hadaba rasuulkeeni ayaa noogu filan tusaale oo rasuulku waxoow dhisay masjidkii ow ku tababarilahaa bulshadii asaxaabta oo maalintaas u badnaa dhalinyaro waxowna ka dhigay dhaxdoodi walaalo aan waxkala laheyn.
    marka waxaa ila haboon in la sameeyo qorshe wadani ah oo lagu walaaleeyo dhalinyaradeena iyadoo laga dhisaayo dhalinyarada xagga diinta, dhaqanka iyo wadaninimada,waana ineey ka qayb qaataan culumada soomaaliyeed iyo indheer garadka wadaniyiinta ah iyo dowlada qaasatan wasaarada dhalinyarada iyo jaamacadaha wadanka oo ah meeshii soo saareysay dhalinyarada.

    dhalinyarada soomaaliyeed waxaan u dirayaa baaq muhiim ah.
    dhalinyarada dibada ka yimaada waxaaan leeyahay walaalihiina ku sabray wadanka intii dhibku ka jiray waxey idinka mudan yihiin inaad qadarisiin fahamtiina ineey wadankii idiin hayeen intii dhibaatadu jirtay iyagoo kusabray wixii wadanka ka dhacay hadana wadanki dhexdiisa waxku bartay kuna soo shaqeeyay duruufo aad u culus, waxaana shaki ku jirin wadankeena hadeysan shacabka guduhu ku sabri laheyn dhexdiisa in cadaw goor hore meel cidlo ah ka qaadan lahaamarka dhalinyarada dibadu waa iney taas fahmaan tankale dhalinyarada dalku waxey qaateen qibro aad u adag marka waa in aad ka faa,iideysatiin qibrada ay ugu muhiimsantahay aqoonta ay wadanka u leeyihiin iyo adadeyga ay ka dhaxleen intii duruufuhu jireen,waxyaabaha ugu waaweyn ee lagu eedeyo dhalinyarada dibada waa in shaqooyinka meelaha ugu muhiimsan ay iyagu gacanta ku dhigaan iyagoo kaashanaayo safaaradaha ay ka soo jeedaan iyo hay,adaha dowligaa oo muhiimada kowaad siiyo dhalinta dibada ka timid qaasatan reer galbeedka,marka hadii taasi jirto waxaan leeyahay yeysan shisheeye idin kala qaybin idina dhexdhigin cadaawe waayo idinkaa ishursan iswalaashada isgarab qabto wadankiina ayaa idinku filan hadaad isku hadaf noqotaan laakiin hadii laydin kala qaybiyo waxaa iman doonto cadaawe dhaxdiina ah qasaaraha ugu weyna waxoow ku dhacayaa dhalinyarada ha ahaadeen kuwo dibad iyo kuwa dalka dhamaantiin.
    dhalinyarada wadanka waxaan leeyahay dhalinyarada dibadu waa walaalahiin waa kuwii masruufkooda laydiinka soo jari jiray biil ay waaridkood idiin soo diraan waxaan kaloo leeyahay dhalinta dibadu iyaguba waxey soo mareen dhibaatooyin ay ugu weyntahay cunsiriyo iyo ineey ku ahaayeen wadamada ay joogeen muwaadan darajada labaad ah taana waxaa idiin cadeynayso sida ay uga soo noqdeen wadamadii ay ku soo barbaareen,eedeymaha ugu waaweyn ee dhalinyarada dibadu sheegtaan waa in dhalinyarada dibadu ay goono gooni isu wataan hadey taasijirtana waa in dhalinyarada dalku iska ilaaliyaan sifadaas waana ineey soo dhaweeyaan walaalahooda ku soo koray wadan aan aheyn wadankoodi waxaana waajib ah in hadii qalad lagu arko dhalinyarada dibada loo naseexeeyo lana dareensiiyo qaymaha wadaninimadu iyo wadankuba leeyihiin.
    waxaan kaloo leeyahay dhalinyarada dalka walaalahiina dibada ka yimid qaarkood waxey haystaan qibro ay ka soo qaateen wadamadii ay ka yimaadeen marka waa inaad kala qibro qaadatiin idinkoo isdhaafsanaayo qibrooyinkii aad nolashiina ka dhaxasheen hadey thay dibada iyo dalka dhaxdiisaba.
    illaahey waxaan ka baryayaa inoow dhalinteena ka badbaadiyo wixii dib u dhacku keenaayo owna ka dhigo kuwo wadankooda iyo shacabkoodaba waxtao aamiin yaa rabbi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here