Kulan dhibaatada Qaadka looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay

2106

Kulankan looga hadlayay sidii meel looga soo wada jeesana lahaa dhibaatada Qaadku u leeyahay Bulshada Soomaaliyeed isla markaana loo qaadi lahaa olole dalka looga joojinayo ayaa waxaa maanta lagu qabtay Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho waxaana ka qayb galay xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya maamulka gobolka Banaadir,Culumaa’udiin, Ururada bulshada rayidka ah ardayda Jamaacadaha,Ururarada Haweenka iyo dad kale.

Kulankani dhanka kale waxaa lagu soo dhaweynayay  Abuukar Cawaale Qaad-diid oo  muwaadin Soomaali ah oo u ololeeya sidii bulshada looga wacyi galin lahaa dhibaatada Qaadka ,Wasiirada ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ka Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuux)  Wasiir ku xigeenka Awqaafta iyo Arrimaha diinta Macalin Cali Aadan Cadaw,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cusmaan Maxamed Cabdi (Daalo).

Abuukar Cawaale Qaad-diid oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo in lagu guuleysto joojinta Qaadka oo dhibatao ku ah bulshada Soomaaliyeed.  

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka gobolka Banaadir ee dhinaca siyaasada Maxamed Axmed Diiriye ayaa sheegay in Maamulka gobolka oo isku duuban uu soo dhaweynayo uuna ka qayb qaadanayo ololahaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya mudane Cusmaan maxamed Cabdi (Daalo) oo ka hadlay kulanka ayaa waxaa uu ka hadlay dhibaatada dhaqaale ee dalkeena uu ku hayo qaadka iyo sida loogu baahan yahay in bulshadu meel uga soo wada jeestaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Awqaafta iyo arimaha diinta mudane cali Aadan Cadaw ayaa sheegay in loo baahan yahay in ololahaan laga dhigo mid gobolada dalka oo dhan lagu baahiyo oo aan caasimada oo kaliya kagu ekeyn.

Kulankaas looga hadlayay dhibaatada qaadku bulshada u leeyahay ayaa waxaa ka hadlay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha mudane Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuux) ayaa sheeegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dar dargalinta arintaan la dagaalanka Qaadka ayna garabsiineyso cid kasta oo isku howsha.

Abuukar Qaad-diid ayaa waxaa lagu gudoonsiiyay madasha shahaado sharaf uu xafiiska Ra’iisul wasaaruhu ugu talo galay waxaana agaasimaha arimaha bulshada ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha Dr Cabdi casiis ayaana keeenay goobta  urur dhalinyaro oo iyana u istaagay ka wacyigalinta bulshada dhibaatada qaadka ayaana boorar ay ku xardheeen sawiro muujinaya waxaa ay ku soo bandhigeen hoolka shirka.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here