Kulan dhibaatooyinka ka jiro gobolka Shabeelaha Dhexe looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay

0
1039

Kulankan oo hey’adaha samafalka loogu soo bandhigayay dhibaatooyinka ka jira deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiru dowlaha wasaaradda arimaha gudaha iyo Federaalka, gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe qaar kamid ah xubnaha gudiga dib u heshiisiinta qaranka iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda arimaha gudaha iyo Federaalka iyadoo ay goob jooga ahaayeen mas’uuliyiin ka socota qaar kamid ah hey’adaha ka howlgala dalka.

Dhibaatooyinka ka jira degmooyinka Balcad, Mahadaay ,Jowhar iyo deegaano kale ayaa dhibaatooyinka ka jira lagu soo bandhigay Film kulanka lagu daawaday waxaana dhibaatooyinka goobahaasi ka jira kamid ahaa in qaar kamid ah degmooyinkaasi aysan ka jirin xarun caafimaad,dugsiyo waxbarasho,saldhig Boliis iyo dhibaatooyin kale.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arimaha gudaha iyo Federaalka Mudane C/rashiid  Maxamed Xidig oo dhowaan wefdi uu hogaaminaayo booqday degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa xubnihii kulanka maanta ka qeybgalay warbixin ka siiyay xaaladaha dhabta ah ee ka jira deegaanadaasi.

Wasiiru dowlaha ayaa hey’adaha caalamka gaar ahaan kuwa Qaramada Midoobay ka dalbaday in ka wajaabaan baahida goobahaasi ka jirta.

Guoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe mudane Cali  C/laahi Xuseen “ Cali Guudlaawe” oo kulanka ka dib la hadlay wrbaahinta qaranka ayaa sheegay in baahiyo aad u weyn ka jirto degmooyinka gobolka Shabeelaha Dhexe isla markaana amaanka gobolka uu yahay mid la isku haleyn karo.

Cali Guudlaawe ayaa intaa ku daray in hey’adaha samafalka ay balan qaadyo badan u sameeyeen isla markaana ayaga ka maamul ahaan aysan gacamaha laaban doonin wixii karaankooda ah ay sameyn doonaan.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here