Kulan ku saabsan dhageysiga dadweynaha ee Miisaaniyadda Dowladda 2018 oo muqdisho ka socda

1035

kulan u dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Guddigga Maaliyadda Golaha SHacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo qeybaha bulshada ayaa ka socda Muqdisho waxan loga hadalaya  arrimaha Miisaaniyadda Dowladda ee 2018

Kulanka waxaa goob joog ka ah Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle,Wasiiru Dowlaha Maaliyadda iyo gudiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka.

Ujeedka kulanka ayaa ah dhageysiga dadweynaha ee Miisaaniyadda Dowladda sanadka 2017,taasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliy,oo dhawaan la horgeeyay Golaha Shacabka.

Hadafka ugu weyn ee dhageysiga dadweynaha ee Miisaaniyadda Dowladda ayaa ah sidii dadweynaha Soomaaliyeed,aqoonyahanada iyo ururada bulshada Rayidka ay aragtidooda ugu biirin lahaayeen Miisaaniyadda Dowladda ay ku shaqeyndoonto 2018ka,ka hor inta aan baarlamanka Soomaaliya uusan ansixin.

Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda ayaa gaaraysa lacag dhan,  labo boqol todobaatan iyo afar Millyen oo Dollar,lix boqol iyo 30 kun,boqol sagaashan iyo 1(US$ 274,630,191) oo loogu talagalay in lagu qabto guud ahaan howlaha Dalka

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here