Kulan ku saabsan Ilaalinta Caruurta iyo Xuquuqdooda oo Muqdisho lagu qabtay “Sawirro”

678

Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Xoogga  saareyso Ilaalinta iyo dhowrida Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed oo ahmiyad weyn uu leh Bulshadda ayaa Maanta waxaa magaaladda Muqdisho lagu qabtay Kulan ku saabsan Ilaalinta Caruurta iyo Xaquuqdooda.

 

Kulankaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xuukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Masuuliyiinka ka tirsan Dawladda, Qeybaha kala duwan ee Bulshadda iyo marti sharaf kale.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in loo baahan yahay ilaalinta xuquuqda caruurta Soomaaliyeed , Muhiimna ay tahay iney helaan Daryeel ku filan.

Guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda, Awqaafta iyo Xuquuqal Insaanka Caruurta iyo Haweenka ee Golaha Aqalka Sare Senator Sam Sam Ibraahim Cali ayaa sheegtay iney diyaar u yihiin siddi looga shaqeyn lahaa Xuquuqda Caruurta Soomaaliyed.

Kasoo qeyb galeyaasha kulankaan ayaa si isku mid ah u sheegay in loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed ay fahmaan in lagama maar maan ay tahay in laga shaqeeyo horumarinta Xuquuqda Caruurta Soomaaliyed, si ay u helaan Xuquuqda aas-aasiga ay leeyahiin.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here