Kulan ku saabsan sara u qaadidda waxbarashada Haweenka oo Cadaado lagu qabtay”sawiro”

1
1170

Kulankan oo looga hadlayay sare u qaadidda waxbarashada Haweenka deegaanada Ximan iyo Xeeb oo maanta lagu qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Ururka Gurmad oo waxbarashada Hablaha u ololeeya, iyadoo kulanka ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Ximan iyo Xeeb iyo bahda waxbarashada.

Maxamed Muxumad Cali (Jeexane) oo ka mid ah Ururkan Gurmad ayaa sheegay in tirada ardada waxbarata Gabdhuhu ay ka yihiin 12% deegaanada Ximan iyo Xeeb taas oo ah mid aad u yar, waxaana uu bahda waxbarashada iyo bulshadaba ugu baaqay inay ka qayb qaataan dadaalkan ay bilaabeen.

Wasiirka arrimaha bulshada Ximan iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye oo dhammaadkii kulanka ka hadlaya ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay arrintan din u eegis ku samaynayaan, si sara loogu qaado waxbarashada  Gabdhaha.

Waxbarashada Haweenka deegaanada Ximan iyo Xeeb ayaa ah mid hoosaysa marka la barbardhigo Wiilasha, taas oo ah caqabad badanaa haysata gabdhaha Soomaaliyeed.

DSC00834 DSC00835 DSC00836 DSC00837 DSC00854 DSC00863 DSC00867“sawir

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. DUMARKA WAAN UHAMBALYEEYNAYAA HARU MARKA WAXBARASHA AAY GAADHEEYN BALSE ISKA ILAALIYA FIKRADAHA REER GALBEEDKA EE LUGULA DAGAALAMAYO DHAQANKEENA & QARANIMADEENABA

    SHIRAKADAHA SOOMAALIDA WAXAA LOOGA FADHIYAA INAAY SHAQAALEEYSAAN GABDHAHA KA QALIN JEBIYEY JAAMACADAHA & MACAAHIDA OO BILLAA SHAQADA

    %60 DALKU WAA DUMAR HADII 60 UU KAMAQANYAAHY DOOWRKIISII 40% SOO HADHAYNA ISLEENAYAAN XAGEN UCIIRSANEYNAA WAAR DUMARKA SIDAN HALOO DHAAMO RAGOOW

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here