Kulan lagu soo dhaweeynayay Danjire Afeey oo lagu qabtay Muqdisho

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay Kulan lagu soo dhaweynayay laguna taageerayay danjiraha QM u qaabilsan arrimaha qaxootiga horana u ahaa wakiilkii urur goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Afay ayaa  lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ka qayb galay kulankaas waxaa ka mid ahaa wasiirka amniga. xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.Taliyaha ciidanka Asluubta. wasiir ku xigeenka gaashaan dhigga gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Qaranka iy xubno kale.

Gudoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ‘Xaliima yarey” ayaa hadaslo u badnaa soo dhaweyn halkaasi ka jeedisay iyadoo Danjire Afeey u rajeeysay in uu si hufan u guto howlaha loo igmaday.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa khudbadiisa uu ka jeediyay kulankaan waxaa uu diirada ku saaray tahriibka iyo arimaha qaxootiga tacadiyada mawaadiniinta Soomaaliyeed la kulmayaan.

“Dadka wax tahriibiya waa in sharciga la mariyo wasiirka amniga in uu fadhiyo waa muhiim danjirahana waa na maqlayaa waa muhiim in arintaas wax laga qabto” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha.

Kulanka waxaa qadka SKype ka uga qayb galay Danjire Maxamed Cabdi Afay oo Nairobi ku sugan waxaana uu ka mahad celiyay taageerada loo muujiyay.

“Waxaan Rabaa runtii in aan mahad balaaran usoo jeediyo dhamaan mas.uuliyiin meesha fadhisa iyo intii qaban qaabisay aadbaan runtii uga xumahay in aan goob joog ahayn waxaase ay igu dhiiri galinee in shacabka dhibaateysan ee Soomaaliyeed aan u shaqeeyo”ayuu yiri Afay.

Taliyaha Ciidanka asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe ayaa Danjire Afay ku amaanay doorkii uu ka qaatay xal u raadinta Soomaaliya intii uu ahaa Wakiilka IGAD.

“DanjireAfay waa saaxiib aysan iloobi doonin Soomaalia,  door  aad u weyn ayuu ka soo qaatay sidii ay meel wanaagsan u soo gaari lahayd halkaan ayaa ku soo dhaweyneynaa”ayuu yiri Jeneraal Goobbe.

waxaa ka hadlay Wasiirka Amniga gudaha  dowladda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ku amaanay Danjire Afay doorkii uu ku lahaa hirgalinta federaalka iyo Nabadeynta Soomaaliya waxaana uu ku dhiiri galiyay shaqadiisa Cusub.

“Anigu Danjire Maxamed waxaan ku amaanayaa doorkii uu ka qaatay nabadeynta Soomaaliya hirgalinta nidaamka federaalka waxaan ku leeyahay guuleyso howsha cusub ee laguu dhiibay iyaduna waa muhiim “ayuu yiri wasiirka.

ugu dambeyntii waxaa ka hadlay kulankaasi gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka  Mahad Cabdalle Cawad waxaana uu kalimadiisa ku biiriyay taageerada iyo amaanta Danjire Afay.

“Waxaan ku leeyahay mabruuk soo dhawoow howshii aad Sooaaliya u haysay halkeeda kasii wad ” ayuu yiri Cawad.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here