Kulan lagu taageerayay hadalkii madaxweynaha oo ahaa in Dr Xabeeb dhul la siiyo oo Muqdisho lagu qabtay-Sawirro

0
2172

Kulankan maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galay mudanayaal ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya waxaana lagu taageerayay hadal 8 dii bishan uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay u mahadnaqeyso Dr Cabdiraxmaan Cali Cawaale “Dr Xabeeeb” isla markaana la siin doono dhul uu ku xanaaneeyo dadka dhimirka ka xanuunsanaya ee digtoorku gacanta ku hayo .

Madaxda ururada haween qaranka iyo kan gobolka Banaadir waxgarad iyo dhalinyaro ayaa kulankaas sidoo kale ka qayb galay Cabdiraxmaan Cali Cawaale “Dr Xabeeb” oo ugu horeyn ka hadlay ayaa waxaa uu amaan u soo jeediyay madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaana uu ka codsaday in uu fuliyo balan qaadkii uu u sameeyay.

“Hadalkii qiimaha badnaa ee uu soo jeediyay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kaas oo ahaa in Dr Xabeeeb uu xaq u leeyahay in la siiyo dhul uu ku daweeyo bukaana qaba cudurka dhimirka sideeeda May 2015 hadaan nahay Xabeeeb Mantel Health Foundation waxay noo aheyd taaariikh lama iloobaan ah”ayuu yiri Dr Xabeeeb.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka qaranka Soomaaliyeed marwo Batuulo Sheikh Axmed Gabale oo iyana ka hadashay kulankaas lagu taageerayay Dr Xabeeb iyo hadalkii Madaxweynaha ayaa waxaa ay ku amaantay Digtoorka howsha qaranka uu u hayo oo aysan jirin wixii hadda ka horeeyay dowlad ku garab istaaagay waxaana ay soo jeedisay in uu mudanyahay in dhul la siiyo.

Waxaa aad iyo aad aan ugu mahad celinayaa dadaalka dheeeraadka ah ee Dr Xabeeeb uu u sameeeyay umadiisa tabarucaadka gees ka gees oo aan ku koobneeen tuulo gaar ah iyo deegaan gaar ah meeel uusan lugtiisa geyna aysan jirin waxaan rabaa marka munaasabada maanta oo ku wajahan dhulka abaal marinta uu madaxweynuhu u siiyay isbitaalka dhimirka ee Dr Xabeeeb,” ayay tiri Marwo Batuulo.

Qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin xubno horay wasiiro uga soo noqday dalka sida wasiirkii hore ee Warfaafinta Mustaf dhuxulow iyo wasiirkii hore ee howlaha guud Dr Nadiifo Maxamed Cismaan ayaa waxaa ay ka hadleen munaasabada waxaana ay taageereen howsha uu Dr Xabeeb hayo iyo hadalkii madaxweynaha waxaana ay balan qaadeen in Dr Xabeeb ay ku taageerayaan lacag dhowr kun oo doolar ah.

11 22 Madaxweynaha

W/D: Axmed Cali Kaahiye

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here