Kulan lagu taageerayay howlgallada ciidamada oo lagu qabtay degmada Xudur

0
2374

Kulan lagu taageerayay howlgallada ciidamada qalabka sida ay ka wadaan gobolka Bakool ayaa lagu qabtay degmada Xudur ee xarunta gobolkaasi.

Kulanka waxaa ka qeybgalay gudoomiyaha gobolka Kan degmada Xudur iyo qeybaha bulshada ee gobolka Bakool, iyadoo lagu taageeray howlgallada ay ciidamadu ku fureen waddooyinka ay xireen maleeshiyaadka Shabaab.

Dhinaca kale kolonyo gaadiid ah oo ay saarnaayeen badeecado u raran ganacsato ayna galbinayeen ciidamada XDS iyo kuwa maamulka Koofurgalbeed ayaa gelinkii dambe ee shalay  gaaray degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Markii uu gaadiidkaasi gaaray Xudur ayaa suuqyada magaaladaasi waxaa laga dareemay isbedel ku yimid maciishadaha daruuriga ah, sida uu ku woo waramay wariyaha Radio Muqdisho ee gobolka Bakool Maxamed Xasan C/raxmaan.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here