Kulan lagu taageerayay sii deynta Xaashi Cumar oo lagu qabtay London (Video+Sawirro)

2392

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska ayaa ku baaqday in la sii daayo muwaadin Soomaaliyeed oo muddo dheer ku xiran dalka Talyaaniga.

Xubno ka tirsan jaaliyadda oo munaasabad lagu taageerayay sii deynta dhibane Xaashi Cumar ku qabtay London, ayaa ka dalbaday dowladda Talyaaniga iney sii deyso Xaashi Cumar oo in ka badan 20 sano ku jira xabsi ku yaala Italy.

Sheekh Maxamed Kulmiye oo ka mid ah culuma’diinka caanka ah oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku baaqay in la sii daayo dhibane Xaashi Cumar, isagoo ka dalbaday dowladda federaalka iyo bulsha weynta Soomaad iney u howlgalaan sidii loo sii deyn lahaa Xaashi Cumar.

Sidoo kale Sheekh Axmed Xuseen Cabi oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa dalbaday in si wadajir ah looga qeyb qaato sii deynta Xaashi cumar, oo dowladda Talyaanigu ku xukuntay xabsi daa’in haddana jeelka ku jira ku jira muddo dheer.

Aweys Xabad Geedi oo ka mid ah xubnihii jaaliyadda ee ka qeybgalay munaasabadda ayaa ku boorriyay dowladda iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed iney iska kaashadaan sidii xorriyadiisa uu dib ugu heli lahaa dhibane Xaashi Cumar.

Xubnihii kale ee ka hadlay kulanka ayaa dhamaantood isku aragti ka ahaa in dadaal badan loo galo sii deynta dhibane Xaashi Cumar.

IMG_0719

IMG_0720

IMG_0721

IMG_0724

IMG_0726

IMG_0729

IMG_0732

IMG_0736

IMG_0738

IMG_0752

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here