Kulan lagu xusayay maalinta Midowga Afrika oo Koonfur Afrika lagu qabtay-Sawirro

0
1219

kulankaan oo ahaa mid loogu dabaal dagayay maalinta Midowga Africa ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Barlamaanka dowlada South Africa waxaana kasoo qeybgalay xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowlada South Africa madaxda Xisbiyada iyo qaar ka mid ah ururada arimaha bulshada ee Ka jira dalka Koofur Africa waxaana lagu marti galiyay qaar ka mid ah jaaliyadaha qaarada Africa ee ku nool magaalada Cape Town .

Hal ku dhiga kulankaan ayaa waxaa uu ahaa midnimada iyo hiigsigada 2060- ka ee qaarada Africa waxaana xildhibaanadii  lagu casuumay halkaasi ku dhax martay dood kulul oo ay garwadeen ka ahaayeen madaxda barlamaanka dowlada Koofur Afrca.

Aqoon yahano kasoo jeeda wadamada qaarada Africa oo halkaasi khudbado kasoo jeediyay iyagoo ka hadlay dhibaatooyinka heysta qaarada Africa sida kooxaha argagaxisada rabshadaha ka dhasha siyaasada dalalka Africa xilliyada doorashooyinka dhibatooyinka dhinaca dhaqaalaha tahriibka dhalinta qaarada Africa ay ugu dhamaanayaan badaha wadamada Yurub ayaga oo raadinayay nolol dhaanta tan taala qaarada Africa iyo sidii loogu heli lahaa xal arimahaasi.

Waxaa sido kale aad loogu lafa guray dhibaatooyinka loo geysto dadka ajaanibta ah ee ku nool dalka Koofur Afria iyada oo dowlada Koofur Africa laga codsaay in ay arimahaasi xal u hesho maadaama ay soo noqnoqdeen.

C/laahi Cali Xasan oo ka mid ah ardayda Soomaalida ee wax ka barta mid ka mid ah jaamacadaha ku yaala dalka Koofur Africa kana qeybgalay kulankaan ayaa la hadlay warbaahinta qaranka waxaana uu sheegay muhimada kulankaan.

“Kulankaan waxaa uu ahaa Kulan aad u qiimo badan oo tusaale ka ah soo nooleynta Africaanimada qaarada Africa sidii ay isku walaashan laheyd wax u wada qabsan laheyd hadii aan si kale u dhigo ama aan fududeeyo waxaa uu ahaa kulan tageeraya ajandaha Africa 50-ka sano ee soo socota wax uga badalaan” ayuu yiri Xasan.

Waxaa sido kale ka mid ahaa dadkii ka qeybgalay dooda kulankaan Xadiith Xaaji Aadan oo ka socday jaaliyada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika u dhaqan waxaa uu warbaahinta qaranka  sheegay in kulankaan muhimad gaar ah uu u lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Africa.

“Anaga muhimada ay noo leeday hadaan nahay dadka Soomaaliyeed waxaa ay tahay dhibaatada nagu heysto dalka South Africa in aan u bandhigo in aan nahay dad walaalahood ah dalkooda wax badan u soo qabtay in aan nahay xilliyadii adkaa ” waxaa sidaa sheegay Xadiith.

Madaxda Barlamaanka  Koonfur Africa ayaa balan qaaday in ay sii wadi doonaan kulamada noocaan ah si wada hadalka bulshada loo badiyo isla markaana loo helo xalka qaarada Africa.

IMG_7642   IMG_7672 IMG_7686 IMG_7692 IMG_7698 IMG_7706 IMG_7717 IMG_7722 IMG_7725 IMG_7736 IMG_7746 IMG_7758 IMG_7760 IMG_7773 IMG_7775 IMG_7784

C/laahi Maxamuud Amiin “C/laahi Qorshe”

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here