Kulan Looga Hadlay Amniga Iyo Abaaraha Oo ka Dhacay Muqdisho

Kulan kaan oo ka dhacay Degmada kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa  looga hadlayay  Amniga Iyo Ugurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen,waxaana ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka, Saraakiisha laamaha Amniga, Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka iyo Mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in 60 kun oo dollar oo ay iska soo uruuriyeen maamullada degmooyinka iyo Deeq Raashin  oo iyana laga soo uruuriyay Ganacsatada Soomaaliyeed dhawaan lagu wareejin doono Guddiga Abaaraha si adeeggaan  loo gaarsiiyo dadka Abaaruhu Saameeyeen.

Dhanka kale kulanka ayaa looga hadlay xoojinta Halku dhiggii ahaa Saaxiib Degmadaada Hoos Ufiiri oo lagaga jeedo In guddoomiyaasha degmooyinka ay la socdaan xaaladaha dhabta ah ee degmadooda ka taagan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here