Kulan looga hadlay doorka haweenka ee nabada oo Muqdisho lagu qabtay {SAWIRRI}}

0
1400

Kulankaan oo ay soo qaban qaabisay Hay,ada Haweenka ee Cogwo ayaa waxaa lagu qabtay magalaada Muqdisho waxaana ka qayb galay mas’uuliyiin ka kala tirsan ururada bulshada rayidka ah iyo sidoo kale xubno ka socday ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed ujeedka isu imaatinkaan ayaana ahaa sidii loo dar dar galin lahaa doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dhismaha nabad iyo dowlad wanaagga .

Qaar ka mid mas’uuliyiinta ka socday ururrada rayidka ah ee ka qayb galay ayaa hadalo ka jeediyay kulankaas waxaana ay isku raaceen in door muuqda ay haweenku ka qadan karaan nabada iyo dib u dhiska dalka iyagoo isku raacay in muhiim ay tahay in la sii dar dar galiyo.

Ujeedada kulanka maanta waa dar dargalinta kaalinta haweenka eee dowlad wanaagga iyo nabada mar walba waxaa la yiraahdaa haweenka maxay u leeeyihiin dowlad dowlad maxay uga hadlaan dib ayaan ka soo sheegi doonaa taas waxaan si sharaf ku dheehan tahay maanta uga wada hadleenaa arimaha guud ee bulshada”ayay tiri ruqiyo.

“Gabdhaha Soomaaliyeeed ee Muqdisho joogow hadaanaan anagu is tixgalin hadaanaan tan qaymaha leh qaymey leedahay dhihin hadaanaan mida sharafta leh sharafey leedahay dhihin oo midba mida kale xaasido wax noo suuraabaa malahan “ayay tiri caasho.

“Ururada bulshada ee anagu aan ka mid nahay waxaan idiin balan qaadeynaa horana waan u soo difaacnay garoowe markii la joogay hadda ka bacdina waan idinla difaaceynaa waxaa idin hortaala dhaqan iyo maah maahyaal badan oo ay ugu horeyso gambooley geed ma tagto”ayuu yiri abkow

Gudoomiye ku xigeenka ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Canab Xasan Cilmi oo gaba gabada ka hadashay kulankaas ayaa waxaa ay kula dar daarantay Haweenka Soomalaiyeed midnimo iyo iskaashi.

 “Anaga urur haween ahaan Qaran waan ku garab taaganahay waana kula shaqeyneynaa waxaana ka shaqeyneynaa shaqo kasta oo haweenka Soomaaliyeed leeyihiin”ayay tiri Canab.

1 2 3 4 5 6 7

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here