Kulan Looga Hadlay Horumarinta Caasimada Oo Muqdisho Lagu Qabtay “Sawirro”

Kulankani oo ay ka soo qeyb galeen maamulka gobolka Banaadir guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka xubna ka socday mashruuca hiigsiga cusub ee dalka ururka haweenka gobolka Banaadir iyo ururada bulshada Rayidka ayaa lagu qabtay Aqalka dowladda hoose ee Xamar.

Ahmiyada kulanka ayaa ahaa sidii maamulka gobalka iyo Bulshada soomaaliyeed ee ku nool muqdisho ay ugu faa’ideysan lahaayen mashruuca si loogu xoojiyo dib u dhiska iyo bilic soo celinta Caasimada.

Ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyada ee gobolka Ismaacil Macalin Cabdi Guure oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Mashruucani ay muhiim u tahay in loogu faa’ideeyo magaalada muqdisho si loo soo celiyo maqaamki lagu yaqiinay caasimda.

2013 ayay aheyd markii lagu dhawaaqay barnaamijka hiigsiga cusub ee 2016 kaas oo ay beesha caalamka ugu tala gashay in loogu faa’ideeyo dalka Soomaliya oo muda dhowr iyo labaatan sano kabadan bur bur ka jiray hasa ahaate sanadka soo socda la doonaya in la hirgaliyo mashruucasi.

IMG_1979 IMG_1980 IMG_1982 IMG_1983 IMG_1986 IMG_1988 IMG_1989 IMG_1990 IMG_1991 IMG_1996 IMG_1997 IMG_2003 IMG_2015 IMG_2016 IMG_2017 IMG_2018 IMG_2019 IMG_2020

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here