Kulan looga hadlayay dardargelinta shuruucda dalka oo Muqdisho lagu qabtay’SAWIRRO”

1415

Kulankan ay isugu yimaadeen guddoonka Barlamaanka, iyo labada guddi ee  golaha Wasiirrada iyo Barlamaanka u qaabilsan dardargelinta sharuucda dalka ayaa lagu qabtay xafiiska  guddoonka Barlamaanka waxaa shir guddoominayey Mudane Maxamed Sheekh Cismaan  “Jawaari”  kulanka ayaana lagu soo bandhigay qorshaha kalfahdiga 6-aad ee Barlamaanka  Soomaaliya iyo  muhiimadda sharuucda la dejinayo u leedahay hay’adaha ka shaqeyn lahaa arrimahaasi iyo sidii loo dhisi lahaa.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa sharaxaad dheerka bixiyey dhammaan qorshaha ahmiyadda ay leedahay diyaarinta sharuucda iyo hay’adaha ku shaqada leh, dib u eegista Destuurka KMG ah Federaalleynta iyo Dimoqoraadiyeenta dalka  dhismaha maamullada loo gudbinayo dowlad gobolleedyada Soomaaliya u baahan tahay iyo sharuucda Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya.

Kulanka howleedkan u dhaxeeyey guddoonka Barlamanaka iyo  labada guddi ee Barlamaamka iyo golaha wasiirrada u qaabilsan dardargelinta sharuucda dalka kaddib ayaa Guddoomiyaha Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa warbaahinta Qaranka  faah-faahin naga siiyey natiijada guud ee kulanka, isagoo sharraxa.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”a ayaa sido kale sheegay in arrin cusub ay tahay nidaamka guddiga labada golle ee sharuucda dalka u qaabilsan, si loo kala caddeeyo Soomaaliya ay  halka u socoto, shacbigana ay aragti mideysan uga lahaadaan dowladnimada Soomaaliya.

Kulan ayaa muhiim u ah in faham guud ay Xukuumaddu ka heshyo howlaha Barlamaanka Soomaaliya ee Kalfahdiga 6-aad ilaa  laga gaaro dhammaanka xiritaanka madasha Barlamaanka 9 ee Soomaaliya, taasi oo fududeyneysa in dalka loo diyaariyo sharuucdii uu ku dhaqmi lahaa.

DSC_5490 DSC_5493 DSC_5494 DSC_5497 DSC_5500 DSC_5507 DSC_5515 DSC_5516 DSC_5525 DSC_5598 DSC_5600 DSC_5602 DSC_5606 DSC_5611 DSC_5616

W/D: Feysal Muuse

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here