Kulan looga hadlayay daryeelka agoonta oo Muqdisho lagu qabtay “Sawirro”

2166

Kulankan looga hadlayay daryeelka agoonta ayaa waxaa soo qaban qaabiyay hey’adda ZAM ZAM oo kamid ah hey’adaha ka howlgala dalka,waxaana ka qeybgalay gudoomiyaha degmada Hodan, Culimaa’udiin, Waalidiin iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeedada kulan ayaa aheyd dhiirgelinta daryeelka agoonta, waxaana sidoo kale ka qeybgalay hey’adaha kala ah IHH oo laga leeyahay dalka Turkiga isla markaana ka howlgasha Soomaaliya, xafiiska ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC.

Sheekh Nuur Baarood Gurxan oo kamid ah culimadii ka qeybgashay kulankan ayaa sheegay in daryeelka ama kafaalo-qaadka agoonta ay meel weyn kaga jirto diinta Islaamka isla markaana loo baahan yahay in qof kasta oo Muslim ah uu arintaas ku buraarugo si uu ugu faa’ideysto ajarka arintaasi ay leedahay.

Madaxa xafiiska ururka Iskaashiga Islaamka ee IOC Maxamed Iidke Sabriye oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in 15 bisha Ramadaan laga dhigi doono maalinta agoonta isla markaana arintaasi ay gacan weyn ka geysan doonaan hirgelinteeda.

Shuceyb C/ladhiif Sheekh Bashiir oo kamid ah mas’uuliyiinta hey’adda ZAM ZAM oo kulanka soo agaasintay ayaa u mahadceliyay hey’adaha ku howlan caawinta agoonta isagoo ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka in ay u istaagaan daryeelida agoonta iyo waxbarashadooda.

Gudoomiyaha degmada Hodan Xaawo Maxamed “Xaawo-Kiin” ayaa sheegtay in ay si aad ah u soo dhaweynayaan qof kasta iyo hey’ad kasta oo wax taraysa agoonta isla markaana ka maamul ahaan wixii karaankooda ah ay ka geysan doonaan caawinta iyo xanaaneynta agoonta.

DSC_0030 DSC_0034 DSC_0041 DSC_0046 DSC_0055 DSC_0063 DSC_0080 DSC_0107 DSC_0132 DSC_0143 DSC_0147 DSC_2767 DSC_2862 DSC_2899 DSC_2907 DSC_2935 DSC_2949 DSC_2973 DSC_3001 DSC_3021 DSC_3032 DSC_3075 DSC_3081

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here