Kulan looga hadlayay dhibaatada Koonfur Afrika loogu geysto Soomaalida oo Muqdisho lagu qabtay “Sawirro”

1495

Kulankan  oo uu soo qaban qaabiyay ururka haweenka  Qaranka  Soomaaliyeed  ayaa waxaa loogu soo horjeeday  tacdiyada  loogu geysanaya dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Koofur Afrika kaasi oo lagu qabtay magaalada  Muqdisho  waxaana  ka soo qeyb  galay  ururka dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed iyo Haweenka Soomaaliyeed oo kala socda qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa  inta uu socday  waxey dareenkooda ku muujiyeen  dadkii ka soo qeyb galay  sida ay  ugu xunyihiin dhibaatada  shacabka Koofur Afrikanka ah ay u geysanayaan  muwaadiniinta Soomaaliyeed  ee dalkaasi.

Kiin Cabdalla oo ka mid aheyd haweenka  ka soo qeyb galay  kulankaasi ayaa sheegtay in ay ka xunyihiin  dhibaatada loogu xasuuqaya shacabka  ku nool dalka Koofur Afrika.

Gudoomiyaha  gudiga  Barista  iyo Qiimeynta  Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Dahabo  Sheekh Maxamuud  oo ka ha dashay  kulanka  ayaa sheegtay in dhibaatada  dadka Koofur Africanka ah ay u geysanayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed aad loo dulqaadan kari islamarkaana loo baahanyahay in meel loogu soo wada jeesto sida wax loogu qaban lahaa arintan.

Gudoomiye ku xigeenka  Ururka Dhalinyarada Qaranka  Soomaaliyeed  Maxamed  C/rashiid Faarax  ayaa  ugu baaqay  dadka  Soomaaliyeed  ee ku nool dalka Koofur Afrika in ay  dalkooda ku soo laabtaan  ayna ka soo tagaan dalkaasi waxaa uuna ka codsaday  dowlada Soomaaliya in ay wax ka qabato xaalada  dadka Soomaalida eek u dhaqan dalkaasi.

Gudoomiyaha  Ururka Haweenka Qaranka  Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gaballa oo ka hadashay   goobta ayaa si qiira  leh  ugu hadashay  dhibaata isugu jirta dilka, handadaada iyo boobka ah ee loog geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika.

Maalmihii u dambeeyay ayaa dalka Koonfur Afrika waxaa ka socday rabshado ay sameynayaan dadka ku dhashay dalkaasi isla markaana ay ugu soo horjeedaan dadka soo galootiga eek u nool magaalooyinka kala duwan ee dalkaasi, waxaana dadka ay rabshadahaasi saameeysay kamid ah Jaalliyadda Soomaaliyeed eek u dhaqan dalka Koonfur Afrika.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Sawir Qaade: Muuse Cismaan Abtow

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here