Kulan looga hadlayay sidii xal waara loogu heli lahaa saameynta roobku uu ugeysto bilicda caasimadda oo Muqdisho lagu qabtay+SAWIRRO

Guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir mudane Faarax Cabdi Diini ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay qorshaha horumarinta caasimadda.

Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen agaasimeyaasha ku shaqada leh horumarinta caasimadda ayaa lagu lafa guray sidii xal waaro looga gaari lahaa saameynta roobku uu ugeysto bilicda magaalada.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay waxyaabaha asaaska u ah ilaalinta bilicda caaismadda xilli roobaadka, si aysan u saameyn biyuhu isu socodka magaalada iyo dadka danyarta ah.

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee gobolka Banaadir ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta uu la kulmay in ay dardar galiyaan qorshaha horumarinta magaalada iyo in si hufan loogu qidmeeyo bulshada Caasimadda.

Mas’uuliyiinta ayaa isku raacay in horumarinta magaaladu ay tahay arrinka ugu horreeya ee hortebinta u leh maamulka gobolka iyagoo sheegay in dardar gelin doonaan xal u helida arrintaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here