Kulan looga hadlayay wax u qabashada bulshada Degmada Buurhakaba oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

0
1068

Kulankan ay Muqdisho ku yeesheen odoyaasha dhaqanka, waxgaradka iyo aqoonyahanka ka soo jeedda degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa looga hadlayay sidii maamul ku yimaadaa rabitaanka shacabka looga hirgelin lahaa degmadaasi.

Kulanka ayaa intii uu socday lagu soo bandhigay sawirro iyo  astaamo  muujinaya  Degmada  Buurhakaba  iyo  saamaynta  burburkii  ku yimid  kaabayaashii  adeegga  bulshada, waxaana a isku weeydaarsaday aragtiyo la xariira  habraaca loo marayo  maamul ay yeeshaan dadka deegaanka iyo sida loo soo  xulayo  hogaaminta  bulshada  degmadaasi.

Dhinaca kale kulanka  ayaa la is ku soo qaaday dhibaatooyinka  beni’aadaminimo  ee  ka  jira  degmada  Buurhakaba iyo  sidii  dadka  ay uga soo kabsan lahaayeen  duruufihii  adkaa  ee  ay soo mareen.

Axmedeey Aadan Buule oo ka mid ah aqoonyahanka kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay dhibaatooyin ka jirto degmada, isla markaana loo baahanyahay in wax loo qabto bulshada degmadaasi ku nool.

“Dhibaatooyin xagga beni’aadanimo ayaa ka jirta degmada Buurhakaba, marka waxaan kaloo rabnaa in la helo qorshe ah sida maamul ku yimaada rabitaanka shacabka loo heli lahaa, si bulshada ay u noqdaan kuwa hela adeegyada aas aasiga u ah” ayuu yiri Axmedeey.

Malaaq Maxamed Sheekh Mukhtaar oo isna goobta ka hadlay ayaa xusay in Xildhibaanada baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolka Baay ay u istaagaan sidii loo heli lahaa rabitaanka shacabka, waxaana uu intaa ku daray in dhankooda ku dadaali doonaan sidii arrimahaasi loo heli lahaa.

DSCN1553 DSCN1554 DSCN1555 DSCN1557 DSCN1559 DSCN1561 DSCN1565 DSCN1568 DSCN1571 DSCN1575 DSCN1578 DSCN1581 DSCN1588 DSCN1594 DSCN1597 DSCN1599 DSCN1601 DSCN1621 DSCN1632 DSCN1635

Sawir Qaade:- Sakariye Qoryooleey

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here