Degmada Kuntuwaarey oo laga hirgelinayo mashaariic horumarineed

1598

Kulan looga hadlayo Xasilinta Amniga iyo in mashaariic Horumarineed laga hirgeloyo degmada kuntuwaarey ee gobolka shabeelaha hoose oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin ka tirtan Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ayaa ka furmay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Degmada kuntuwaarey ee gobolka shabeelaha hoose Cabdiraxmaan Sabtow Daahir ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan qorshahaan mashaariicda horumarineed looga fulinayo degmada kuntuwaarey, isagoo u mahadceliyay madaxda Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka oo isku howshay in la sameeyo mashaariicyo lagu Horumarinayo qaar ka mid ah degmooyinka gobolada dalka.

Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Dowladda Soomaaliya Dr Ismaciil  Jimcaale Calasow oo furay kulanka looga hadlayo samaynta mashaariicyo horumarineed oo laga hirgeliyo degmada kuntuwaarey ee Gobalka shabeelaha hoose ayaa sheegay in kulanka uu socon doono muddo sadax cesho ah, isla markaana looga hadlayo Horumarinta gobolka shabeelaha hoose gaar ahaan degmada kuntuwaarey,  marka uu kulanka soo dhamaadana lasamayn doono qorshe cad oo waxlooga qabanmayo degmadaas.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here