kulan loogu tacsiyeeynayay Marxuum Massalle oo Muqdisho ka dhacay

1016

Kulan loogu baroor diiqayey allah u naxariitee Marxuum Cabduqaadir Xaaji Maxamed Massalle ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho kaa soo ay ka qeybgaleen Xildhibaanno iyo siyaasiyiin.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo hadal qaday taariiqdii uu lahaa Allaha u naxariistee marxuum  Cabduqaadir Xaaji Maxamed Massalle.

Dhammaan dadkii ka hadlay kulanka ayaa ammaanay howshii qaranka uu u hayay intii uu nolaa, iyaga oo tacsi u diray guud ahaan ummadda Soomaliyeed gaar ahaan eheladii uu ka baxay marxuumka.

Allaha u naxariistee marxuum Cabduqaadir xaaji maxamed Massalle ayaa ku dhashay gobolka hiiraan sannadkii  1940’kii isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray kana tirsanaa Golihii sare ee gacaanka xilligii dowladdii Maxamed siyaad barre waxa uuna marxuumka kugeeriyooday magaalada Londo ee dalka ingiriiska 26’ka bishaan.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here