Kulan wada tashi ah oo lagu qabtay Magaalada Xuddur+ Sawirro

Waxaa Magaalada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool ka soconaya kulan wada tashi ah oo lagu dersayo baahiyaha halkaasi ka jira iyo ka baaraan-degga Mashaariicda horumarineed ee Sanadkan 2019-ka laga fulin doono degaannadaasi.

Kulankan oo Socon doono muddo Saddex Cisho ah, soona qaban-qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa  waxaa ka qeyb galaya 40 xubnood oo kala kala socota bulshada.

Kulankan oo ay ka qeyb galeen xubno ka kala socda Wasaaradaha Haweenka iyo xuquuqul Insaanka, arrimaha gudaha, Gaadiidka iyo Garoomada,mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda TIS iyo maamulka Gobolka Bakool.

Guddoomiyaha Gobolka Bakool, Maxamed Cabdi Tool, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in kulankani uu ahmiyad weyn u leeyahay Bulshada degaanka, wuxuuna ka qeyb galayaasha kula dar-daarmay inay qoraal ka sameeyaan baahiyaha guud ee ka jira Degmada Xuddur.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, Maxamed-nuur  Madoobe Nuunnoow, ayaa sheegay in kulankan wadatashiga ahi uu fursad u yahay Dadka halkaasi ku dhaqan, isla maraana mudan in laga faa’iideysto.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here