Kulanka Golaha Amaanka ee QM oo looga hadlay dadaalada ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyadda Dhalinyaradda iyo Nabada.

Doorka muhiimka ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka ciyaareen taageeridda horumarinta dalkooda oo dhawaan soo shaac baxay ayaa diirada lagu saaray kulan gaar ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka yeesheen dhalinyarada, nabadda iyo amniga.

“Inkastoo dhalinyarada Soomaaliyeed ay wajahaan caqabado badan isla markaana ay haystaan fursado xadidan, muddo yar kahor inta aan la soo saarin qaraarka 2250, waxay ka shaqeynayeen abuurista isbedel, dhisida nabadda iyo dardar gelinta horumarka, ‘ayuu kulanka ka yiri la taliyihii hore ee Qaramada Midoobay ee dhalinyarada Soomaaliya, Joao Scarpeling,

“Inta badan kuwaas waa kooxo aan rasmi ahayn oo mutadawiciin ah, oo si hal abuur leh u raadinaya habab ay ku abaabulaan asaaggooda, ayna ku horumariyaan bulshooyinka ilaha kooban iyo inta badan iyaga oo aan haysan taageero hay’adeed, ”ayuu raaciyay.

Golaha ayaa ku baaqay kulan khadka ah – oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Faransiiska iyo Jamhuuriyadda Dominican Arbacadii waxaana lagu qabtay waxa loogu yeero kulan aan rasmi ahayn ee Ggolaha Ammaanka (Arria-formula) kaas oo u oggolaanaya dadka martida – inay  wadaagaan casharrada laga bartay iyo hababka ugu fiican ee la xiriira hirgelinta go’aanno kala duwan oo ku saabsan dhalinyarada, nabadda iyo amniga marka laga hadlayo howlaha nabad ilaalinta ee QM iyo howlgalada siyaasadeed ee gaarka ah, iyadoo Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) uu ahaa midkii ugu dambeeyay.

Markii hore Golaha ayaa muujiyey doorka muhiimka ah ee dhalinyaradu ka qaadan karaan ka hortagga khilaafaadka, xallinta khilaafaadka, dhisidda nabadda iyo joogtaynta nabadda, iyo weliba muhiimadda ay leedahay fududeynta ka-qaybgalka dhallinyarada iyo hoggaaminta dhinacyadaas.

Xeerka lambar 2250 ee Golaha, oo la sameeyay 2015, wuxuu muujiyay doorka muhiimka ah ee dhalinyaradu ka ciyaari karaan ka hortagga khilaafaadka iyo xallinta iyo dadaallada dhismaha nabadda iyo muhiimadda ay leedahay fududeynta fursadaha ka-qaybgalka dhallinyarada. Waxaa xigay xeerarka kale oo lagu dhisay tan sanadihii xigay, sida xeerarka 2419 iyo 2535.

Madaxdii Qaramada Midoobay u hadashay 

Dadka ka hadlay kulanka waxaa ku jiray saraakiil sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay sida Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda, Rosemary DiCarlo, iyo Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Hawlaha Nabadda, Jean-Pierre Lacroix. Waxay kahadleen shaqooyinka waaxyadooda quseeya, taageerida fulinta qaraarada, iyo hababka ugu fiican ee lagu hirgaliyo dhalinyarada, nabada, iyo ajandaha amniga ee howlgallada Qaramada Midoobay.

Marwo DiCarlo hadalkeeda waxay carrabka ku adkaysay in ka-qaybgalka dhallinyarada ee dadaallada nabadda ay tahay mid waajib ah waxayna ku baaqday in si wax ku ool ah loo hirgeliyo dhallinyarada, ajandaha nabadda iyo amniga, oo ay ku lug leeyihiin dhammaan daneeyayaasha muhiimka ah.

“Taageerada sii socota ee Dowladaha Xubnaha ka ah iyo muhiimadda Golaha Ammaanka ayaa loo baahan yahay si horumar dheeraad ah looga gaaro ajendahan,” ayay tiri marwo DiCarlo. “Waa inaan ku dhisnaa xaqiiqda ah in ka-qaybgalka muuqda iyo ka mid noqoshada dhallinyarada geeddi-socodka siyaasadeed ee dhismaha nabadda aan mar dambe loo arkin ikhtiyaar ama wax lagafikirayo. Waxay si sax ah u noqotay mid ka mid ah tiirarka aasaaska u ah ajendaha joogtaynta nabadda.”

Dhankiisa mudane Lacroix ayaa xusay in hawlgallada nabad ilaalinta ay si muuqata uga gacan gaysanayaan hirgalinta go’aamada ku saabsan dhalinyarada, nabadda iyo amniga, balse in badan wali loo baahan yahay in la qabto.

“Dhalinyarada ayaa udub dhexaad u ah nabadda. Si ay fursad u helaan, waa in wax laga qabto baahiayahooda; codkooda ayaa xoogaystay hawlahooduna waa horumartay” ayuu yiri.

Dhalinyaradii hadashay  

Dadkii kale ee hadlay waxaa ka mid ahaa la taliyaha iyo isku duwaha barnaamijka dhalinyarada, nabada iyo amniga ee Hawlgalka Maamulka ku meel gaarka QM ee Kosovo (UNMIK), wakiilka QM ee Xaqiijinta Howlgalka ee Kolombiya, iyo mudane Scarpelini, oo hada ah khabiir madax banaan oo afartii sano ee ugu danbeesay ku shaqeenayay doorka la-talinta dhalinyarada ee Soomaaliyeed.

Markuu kasoo muuqday kulanka Golaha mudane Scarpelini wuxuu sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay si fudud beesha caalamka u waydiisanayaan caawimaad: “waxay rabaan in la maqlo oo la arko, waxay kaloo rabaan in la aqoonsado waxqabadkooda togan, waxayna rabaan fursado iyo hay’ado ay kaga qayb qaadan karaan kor uqaadida dalkooda oo ay aadka u jecelyihiin”.

Wuxuu sheegay in samaynta qaraarka 2250 ee Golaha ay ahayd fursad iyo aqoonsi ay raadinayeen dhalinyaro badan oo Soomaali ah.

“Maalmo gudahood samaynta qaraarkan, ururada ay hogaaminayaan dhalinyaro oo ay taageerto Xafiiska QM ee Soomaaliya waxay qabteen munaasabad qaran, oo ay ka qaybgaleen 300 oo gabdho iyo wiilal isugu jira oo ka kala yimid dhammaan maamul goboleedyada dalka. Munaasabada ayey dhalinta Soomaaliyeed ku sameeyeen heeshiis nabada ee dhaliyarada Soomaaliyeed, maxalliga ay soomaalidu hoggaamineyso oo ay Soomaalidu leedahay oo ku saabsan qaraarka 2250 oo leh soo jeedimo wax ku ool ah iyo xalal maxalli ah si nabad waarta loogu soo dabaalo dalka,” ayuu yiri.

Isigoo hadalkiisa sii wata “Dhalinyarada ayaa  sidoo kale ku xujeeyay QM  iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya inay ku socdaan dadaallada muhiimka ah isla markaana abuuraan madal wadahadal.”

Farsamooyinkii Dhallinyrada Soomaaliyeed  

Farsamooyinkaasi waxay ahaayeen shirk waynihii sanadlaha ahaa ee Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, kaasoo madal siinayey dhalinyaro ku kala socday sooyaallo kala duwan, Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo qabiillada inay isu yimaadaan oo ay helaan meel ay ku mideysan yihiin; tan labaad, Golaha La-talinta Dhallinyarada ee Qaramada Midoobay, oo la aasaasay 2018, si loo siiyo kooxda QM ee ku sugan Soomaaliya talooyin la taaban karo oo ku salaysan waaya-aragnimada nololeed ee dhallinyarada; iyo, marka saddexaad, Guddiga Wadajirka ah ee Dhallinyarada Gaalkacayo, oo ah farsamada rasmi ah oo lagu fududeynayo ka-qaybgalka dhallinyarada ee geedi-socodka rasmiga ah nabadda Gaalkacayo.

Waxyaabahaas midkoodna lama gaari lahayn haddii aan awoodi weyno inaan abuurno iskaashi dhab ah. Wadashaqeyn lala yeesho maamulada Soomaalida heerar kala duwan. Iskaashi lala yeesho ururada ay hogaamiyaan dhalinyarada iyo hogaamiyaasha dhalinyarada. Laakiin gaar ahaan, wadashaqeyn dhab ah oo dhex marta xafiiska QM Soomaaliya iyo Kooxda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ”ayuu yiri md Scarpelini.

Dadaallada ay sameeyeen hawlgallada nabadda ee Qaramada Midoobay si loo hirgeliyo go’aammada la xiriira dhallinyarada, nabadda iyo amniga ayaa waxaa si wayn u soo dhoweeyey kasoo qaybgalayaasha kulanka.

“UNSOM iyo dawladda Soomaaliya oo wadajira waxay ka wada shaqeynayeen sidii dhalinyarada loogu fududeyn lahaa heshiiska nabadeed waxayna aasaaseen guddi lataliya dhalinyarada”.ayuu yiri wakiilka ka socday dalka Indonesia, Dian TriansyahDjani “Tani waxay gacan ka geysaneysaa wax ka qabashada faquuqa waxayna u abuureysaa wadooyin dhalinyarada Soomaaliyeed fursad ay ku helaan waxbarasho tayo leh iyo fursado shaqo. Waxaan u baahannahay inaan tan kusoo celino howlgallada kale ee Qaramada Midoobay.”

unsom

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here