Kulanka Aminga Muqdisho looga hadlayay oo maanta la qabtay-Sawirro

0
2677

Kulanka guddoomiyaasha  degmooyinka  gobalka Banaadir oo maanta ka dhacay xarunta dowladda hoose  Xamar ayaa waxaa goobjoog ka ahaa  guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”  ku xigeenaddiisa ,taliyaha qeybta Boliiska ee magaaladda Muqdishoiyo mas’uuliyin kale oo ka tirsan  maamulka.

Saraakiish ciidanka Booliska  iyo guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa warbaxino looga dhagaystay kulanka kuwaas oo  ku saabsan Amaanka Caasimdda dalka ee Muqdisho iyo howlaha adeegyada bulshada ee degmooyinka.

Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo ah guddoomiayha gobalka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho ayaa amaanay saraakiish   Booliska Soomaaliyeed sida ay xil isaga saareen xaqiijinta amaanka Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobalka Banaadir Cabdifitaaax Cumar  Xalane oo kulanka ka diba la hadlay warfidiyeenka ayaa sheegay in kulanka maanta diirada lagu saaray adkeynta amaanka magaalada Muqdisho iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxeysa maamulada degmooyinka iyo saraakiisha laamaha amniga.

Mudane C/fitaax Cumar Xalane ayaa sidoo kale sheegay in dowladda hoose ee Xamar ay ku howlan tahay soo celinta bilicda magaalada Muqdisho isagoo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed eek u nool gobolka Banaadir in ay qeyb ka qaataan dhowrista magaalada Muqdisho.

_MG_8383 _MG_8414 _MG_8429 _MG_8438 _MG_8439

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here