Kulanka Golaha Shacabka B.F.S oo furmay

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu kulankodii uga furmay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho,  iyaga oo ka kadoodaya qodoba dhawr ah .

Kulanka Waxa si wada jir ah u shir Guddominaya Guddomiyaha Golaha Shacabka B.J.F.S Mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxman iyo ku xigeenadiisa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka furay ayaa sheegay in Kulanka ay soo xaadireen 139 mudane, kuwaa oo ka doodi doona Saddexda Ajande oo kala ah Cudurka Cronavirus, u Codeynta Laba Xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha dalka iyo Sharciga Qaxootiga Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here