Kulanka Golaha Shacabka oo lagu wado in uu goordhow furmo

Kulanka golaha Xildhibaannada shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in goordhow uu ka furmo xarunta KMG golaha shacabka ee Villa Hargeysa.

Kulanka oo ah mid aad u xasaasi ah ayaa waxaa golaha shacabka khudbad ku saabsan xaaladda dalka u jeedin doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farriin xalay loo diray xildhibaannada ayaa loogu sheegay in kulanku uu furmayo 9-ka subaxnimo waxaana la faray in ay kasoo qeyb galaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here