Kulanka xildhibaandda Baarlamaanka ee Maanta oo looga hadlayo Miisaaniyada 2016

1
1010

Maanta oo  Arbaca ah 09/12/2015 kalfadhiga  kulanka Baarlamaanka Federaalka  ayaa waxaa la horkeeni  doonaa Ajendaha  Miisaaniyadda 2016 oo ay soo diyaarisay Wasaarada Maaliyadda ee dawladda federaalka Soomaaliya lana marsiinayo  aqrintiisii koowaad

Sidoo kale waxaa la horkeeni doonaa  kulanka Baarlamaanka Federaalka   sharciga Beec xalaaleynta  iyo lacagaha Been abuurka aqrintiisii labaad.

Qoraalada shuruucda  la horkeena Kulanadda Baarlamaanka ayaa waxaa la marsiiyaa ilaa 3-aqrin oo ay xildhibaanda Baarlamaan soo aqriyaan shuruucdaasi si suaalo loooga  weydiiyo.

Maalmo ka dib aqrinta 2aad sharciga ansixinta Miisaaniyada sannadka 2016,xildhibaanda ayaa  suaalo ka weydiinaya  wasaaradda Maaliyada Miisaaniyadda Dawladda 2016.

iyadoo aqrinta ugu danbeysa  dib loogula noqonaya guddiga  Maaliyadda e Baarlamaanka  ferderaalka.

 

Ansixinta miisaaniyadda dawlada 2016 ayaa muhiin ah in xildhibaanadda ansixiyaan ka hor  dhamaadka bisha desembar 2015.

 

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. Asalaamu caleeykum Radio muqdisho. Walaal warkiinu waa qabyo. Miisaaniyadu waa imisa? Xageey xoogeeda ka soo xerooneysaa? Kabid miisaaniyad oo dibada ka imaaneysa waa imisa?

    Dadku wexey u baahan yihiin information la taaban karo ee uma baahno aqrin 1 aad iyo mid 2 aad iyo huuhaa. Igana raali ahaada. Laakiin please concrete news noo soo gudbiya.

    Mahadsanidiin

    Abdullahi ahmed
    London, Uk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here