Laba Beelood Oo Heshiis Ku Dhex Maray Dhuusa mareeb

1347

kulankani ay heshiiska ku kala saxiixanayeen laba beelood oo wada daga gobolka Galgaduud ee ka dhacay magaalada Dhuusa mareeb ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Galgaduud, Odayaal dhaqameedyo iyo mas’uuliyiin kale.

labada Beelood ayaa ku heshiiyay qodobbo ay ka mid yihiin inay iska cafiyaan wax kasta oo ay kala tabanayaan, kana wada shaqeeyaan nabadda iyo horumarka,

Nabaddoon Salaan Axmed Caynte iyo ugaas Cabdullaahi Aadan oo u hadlay beelaha heshiiyay ayaa sheegay inay dhaqangalinayaan heshiiska.

Xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi oo iyana halkaasi hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in shirkaan ka socda degmada Dhuusamareeb uu yahay mid muhiim ah, islamarkaana laga faa’iday waxyaabo badan oo dhanka dib u heshiisiinta ah, iyada oo ku baaqday in loo istaago ka shaqeynta nabadda gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here