M.weynaha Puntland Oo Xafikiisa Ku Qaabilay Madaxa Iskaashiga Midowga Yurub Mss.Dara Fane(Sawirro)

1573

Madaxweynaha Dawlad Gobaleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii dambe aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madaxa iskaashiga Midowga Yurub Mss.Daria Fane.

Kullan gaar ah oo madaxweyne Gaas la qaatay Mss.Daria Fane ayaa waxaa ay uga wada hadleen xoojinta Xiriirka Puntland iyo midowga yurub, mashaariicda horumarineed ee midowga yurub kawadaan Puntland iyo Shaqooyin badan oo EU la qabanyso Dawlad Gobaleedka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa u sheegay Madaxa iskaashiga Midowga Yurub Mss.Daria inay muhiim tahay kordhinta mashaariicda ay ka fuliyaan Puntland , si adeegoodu uwada gaaro guud ahaan shacabka reer Puntland.

Mss.Daria Fane ayaa balan qaaday in Midowga Yurub ay ka go’antahay in ay sii laba jibaaraan mashaariicda horumarineed ee ay ka fulinayaan gudaha Puntland, waxaana ay madaxweynaha ku amaantay dadaalka horumarineed ee uu kawaddo Puntland iyo guulaha laga gaaray la dagaalanka Maleeshiyaadka Gudmaadka Umadda Soomaaliyeed Ee Ugus.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku howlan sidii uu beesha caalamka iyo daneeyayaasha Puntland ugu bandhigi lahaa horumarka iyo nabad-gelyada ka jirta Puntland si ay ugu dhiiradaan in dalka ay ka hirgeliyaan mashaariic horumarineed oo ay ka faa’iidaysanayaan shacabka reer Puntland.

IMG_6705 IMG_6721 (1) IMG_6721 IMG_6740 IMG_6746 IMG_6758 IMG_6766 IMG_6768 IMG_6769 IMG_6770 IMG_6771 IMG_6772 IMG_6775 IMG_6793 IMG_6801 IMG_6803 IMG_6806 IMG_6807 IMG_6810 IMG_6812 IMG_6813 IMG_6818 IMG_6819 IMG_6820 IMG_6821 IMG_6823 IMG_6835 IMG_6836 IMG_6837 IMG_6838 IMG_6839 IMG_6845 IMG_6851 IMG_6853 (1) IMG_6853 IMG_6855 IMG_6866 IMG_6870 IMG_6876 IMG_6879 IMG_6883 IMG_6898

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here